X
    Categories: Warar

Murrashaxa Xisbiga WADDANI Oo Ganacsatada Uga Digay In Ay iibsadaan Dhulka iyo Hantida Dawladda

Araweelo News Network

Photo file Murrashaxa Madaxweynaha, isla markaana ah Guddoomiyaha WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro

Hargeysa (ANN)- Murrashaxa Madaxweynaha xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa digniin u diray ganacsatada lacagtooda geliya dhulka dawladda ee loo kala iibsado sifada sharci-darrada ah.

Md. Cabdiraxmaan Cirro oo hadal ka jeediyey xaflad loo sameeyey taageerayaal  ku biiray xisbiga WADDANI , waxa kaloo uu sheegay in sicir-bararku saamayn xoogan ku yeeshay qaybaha kala duwan ee bulshada reer Somaliland.

“Waxa aannu hore ugu dhawaaqnay, shacbigana u xaqiijinayna in wax allaale wixii hanti Qaran ah ee ku baxay sifo aan sharci ahayn gacanta shacbiga lagu soo celin doono. Hore waanu uga dignay, haddana waanu ku celinayna dadka ganacsatada ah ee maamulka 30-ka cisho u hadhsan yahay wax ka iibsanaya waxaannu leenahay lacagtiina ha iska khasaarinina,” ayuu yidhi Guddoomiye Cirro.

Waxaannu intaas ku daray; “Waxaannu Insha Allaah shacbiga ka saari doona rajo-beelka oo waxaannu u soo celin doona rajada. Maanta shacbiga waynu ka warqabnaa oo waxa noloshooda hoos u dhigay oo cidhiidhyay sicir-bararka oo wax walba wuu taabtay sixir-bararku, guri walba wuu taabtay, shaqaalaha dawladda wuu taabtay, askariga ciidanka ah wuu taabtay, Insha Allaah waxaannu la imanaynaa oo ku hawlgalayna siyaasad cad oo lagu xakamaynayo sixir bararka.”

“Bulshada Somaliland waxaan ugu baaqayaa maanta waxa la kala dooranayaa rajo iyo rajo beel, caddaalad iyo caddaalad-darro, ammaano ilaalin iyo hanti boob, markaa shacbigu ka ay dooranayaan way garanayaan, isbeddelkaynu dooranaynaa, isbeddel khayr qaba Alle ha “Waxa aan shacbiga iyo taageerayaashayada ugu baaqayaa in aynu sharciga iyo nabadgalyada ilaashanno. KULMIYE waxay yidhaahdeen laba bilood baa hadhay ee aan meesha sii boobno, shacbigii shalay ka horyimid ee diiday dugsiga Riis way mahadsan yihiin,” Sidaas ayuu yidhi Musharraxa Madaxweynaha WADDANI.

Waxa kaloo uu u mahadnaqay bulshada muujiyey inay ku biireen xisbiga WADDANI, waxaannu yidhi; “Waxaan aad iyo aad ugu mahadnaqaya beel weynta halkan cududeeda ku muujisay ee u muujisay in ay Qarankan u hiilinayso, in ay isbeddelka maanta shacbigu rabo taageerayso, isbeddelkaasina wuxuu Insha Allaah ku iman doona sallaanka WADDANI haddii Alle ka dhigo. Sallaanka ayeynu wada fuulaynaa, guushana waynu wada dhalinaynaa, Ilaahayna waynu kaashanayna.”

“Shacbiga Somaliland, bariga iyo galbeedba waanu soo marnay; gobol aanan tagin iyo degmo aanan tagin ma jirto, shacbigu waxay isku raacsan yihiin in maanta isbedel yimaad. Ummadda Somaliland maanta way quusatay, waxay ka quusatay maamul-wanaag, waxay ka quusatay caddaalad, waxay ka quusatay oo ay aragtay hantidii Qaranka oo sii yaraanaysa oo uu ugu dambeeyay iskuulkii Riis,” ayuu yidhi murrashaxa WADDANI.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post