X
    Categories: Warar

Murrashaxa WADDANI Oo Sheegay Inuu Guddoomiyenimada Xisbigaa Ku Wareejinayo Dadka Reer Baligubadle

Arweelo News Network

Hargeysa (ANN)- Murrashaxa jagada Madaxweynaha ee xisbiga WADDANI, ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa sheegay inuu diyaar u yahay sidii uu xilka Guddoomiyenimo ee xisbiga WADDANI ugu wareejin lahaa bulshada ku dhaqan degaanka Balli-gubadle.
Md. Cabdiraxmaan Cirro oo hadal ka jeediyey kormeer wefti ka tirsan xisbiga WADDANI ku tageen magaalada Balli-gubadle, waxa uu tilmaamay in xilka guddoomiyenimadu ay culays ku hayso isaga, maadaama oo uu yahay murrashaxa Madaxweynaha ee xisbiga WADDANI.
“Xisbiga WADDANI waxa uu go’aansaday inuu hoggaamiyihii xisbiga ku wareejiyo Gobolka Hawd…Sacabkiinu wuu yaryahay ee waxa aan u malaynayaa diyaar uma tihidin in aad la wareegtaan guddoomiyenimada. Bal labada xisbi ee kalena weydiiya oo KULMIYE-na dhawr iyo toban sanno ayaad taageerayseene bal waxa uu idinku wareejinayo soo weydiiya. Waxa ay ila tahay annagana culays ayey nagu haysaa guddoomiyenimadu oo murrashax ayaan ahay, markaa annigu diyaar ayaan u ahayn in aan wareejiyo xilkii (Guddoomiyenimada xisbiga WADDANI) ee idinkuna u soo diyaargarooba,” ayuu yidhi Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro.
Waxa kaloo uu ka hadlay muhiimadda kaadhka codbixintu u leeyahay muwaadiniinta reer Somaliland, isagoo xusay in qofka qaata kaadhka codbixintu uu xaq u yeelanayo inuu codkiisa ka dhiibto doorashooyinka Somaliland.
“Waxa aannu u soconay in aannu idinla kala qaybqaadano wacyigelinta qaadashada kaadhadhka codbixinta. Kaadhku waxa uu ka mid yahay xuquuqaha qofka muwaadinka ah, waana xuquuqda codaynta, qofka aan kaadhka qaadana hadhaw ma helayo xaqiisa ah inuu coddeeyo, maantana Somaliland waxa aynu ku dhaqmaynaa hannaanka dimuqraadiga ah oo ku dhisan doorashooyinka, waxaanad wax ku beddeli kartaa amma wax ku dhisi kartaa amma wax aad doonayso ku keeni kartaa marka aad cod leedahay,” ayuu yidhi Guddoomiye Cirro.
Waxa uu dhammaanba dadweynaha ku dhaqan degaannada Balli-gubadle ugu baaqay inay si buuxda u qaataan kaadhka codbixinta, isagoo xusay in qofkasta oo muwaadin ah ka faa’iidaysto muddada kooban ee ay socoto qaybinta kaadhadhka codbixintu.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post