X
    Categories: Warar

Murrashaxa WADDANI Oo Sheegay in aan Cidna Xoog iyo Khasab ku Qabsan Karin Madaxtinimada Somaliland

Araweelo News Network

Makkah (ANN)- Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa sheegay in cidda Ilaahay (SWT) u qadaray ay ku soo bixi doonto doorashada Madaxtooyada ee la filayo inay dalka ka qabsoonto 13 November 2017, haddii Ilaahay yidhaah.
Guddoomiye Cirro oo hadal kooban ka jeediyey kulan masuuliyiin ka tirsan xisbiga WADDANI ay magaalada Jiddaha kula yeesheen jaaliyadaha reer Somaliland ee dalka Sucuudiga, waxa uu ka hadlay qaabka ay madaxda xisbigiisu u tageen cimrada masjidka barakaysan ee Makka Al-mukarama.
“Halkan waxaannu u nimi cibaadada Cimrada Alle ha inaga aqbalo, in kasta oo xubno badan oo Xisbiga WADDANI ah yimaadeen, haddana si kala gooni gooni ah ayaa loo yimmi Alle haynaga aqblo Cibaadadii aynu gudanay, Alle dalkeena ha inoo hagaajiyo, Ilaahay doorasho wanaagsan ha inoo rido. Dalka doorashadii way ka dhacaysa, waa la tartamayaa, kii (murrashaxa) Alle u qadaray ayaa imanaya, cidina xoog ku iman mayso iyo khasab,” ayuu yidhi Md. Cabdiraxmaan Cirro.
Kulanka masuuliyiinta xisbiga WADDANI la yeesheen jaaliyadaha Somaliland ee Sucuudiga, waxa kaloo hadal ka jeediyey Hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI Md. Xirsi Cali Xaji Xasan, kaasoo sheegay in murrashaxa xisbigooda Md. Cabdiraxmaan Cirro uu yahay masuul leh astaan hoggaamineed oo horumar gaadhsiin kara dalka Jamhuuriyadda Somaliland.
Wakiilka Somaliland ee Sacuudiga Cabdalle Kuwayti, ayaa ku soo dhaweeyay waftiga xisbiga WADDANI dalka Sacuudiga, wuxuuna yidhi; “Anigu odaygii Magaalada Jiddah ayaan ahay, taas ayaan ku soo dhawaynayaa waftiga.”
Dhinaca kale, masuuliyiinta Xisbiga WADDANI oo dhammaantood la hadlay jaaliyadda Somaliland ayaa uga warramay socdaalka ay ku yimaadeen dalka Sacuudiga, waxay sheegeen inay cibaadada cimrada u yimaadeen.
Xoghayha Xidhiidhka Gobolada iyo Degmooyinka Axmed Xamarji oo ka jawaabay hadal ka soo yeedhay Faysal Cali Waraabe oo ku saabsanaa Xubnaha WADDANI ee Cimrada yimmi wuxuu yidhi; “Haddii qof masuul hadal ummadda u jeediyo haddii aan laga dabo tagin waxa laga yaabaa inay dadku run u qaataan, waxaan arkayay Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe oo saxaafadda la hadlaya oo leh waftiga WADDANI 35 qof ayaa cimrada loo diray, in wax kasta la isku dacaayadeeyo maaha, annigu hadda ayaan Makka ka immi, qof kasta goonidiisa ayuu Xaramka iyo cibaadada u yimi, Alle ha daaye inankayga ayaa aniga isoo diray.”

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post