X
    Categories: Warar

Murrashaxa WADDANI Oo Shaaciyay Inuu Bannaynayo Xilka Guddoomiyenimo Ee Golaha Wakiillada

Araweelo News Network

Hargeysa (ANN)- Murrashaxa jagada Madaxweynaha ee xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa si dadban ugu dhawaaqay inuu bannaynayo xilka Guddoomiyenimo ee Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu hayey muddo 12 sanno ah, kana soo bilaabmaysa markii mudanayaasha Golaha Wakiillada la doortay sannadkii 2005-kii.
Murrashax Cabdiraxmaan Cirro oo warraysi uu siiyey telefiishanka Star TV lagu weydiiyey hadal-haynta dadweynaha ee la xidhiidha waqtiga uu iska casilayo xilka Guddoomiyenimada Golaha Wakiillada, maadaama oo uu u sharraxan yahay jagada Madaxweynaha, waxa uu si aan toos ahayn u caddeeyey inuu hadda diyaar u yahay inuu xilkaas banneeyo, isagoo codsaday in cidda doonaysa inay kala wareegto u soo diyaar noqoto.
“Waxa aan is leeyahay su’aashaasi way badatay ee cidda xiisaha u haysay inay qabato Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ha u soo diyaargarawdo,” ayuu yidhi Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro.
Murrashaxa WADDANI, ayaa sidoo kale ka hadlay falal uu sheegay in lagula kacay xarumo xisbigiisu ka kiraystay qaar ka mid ah degaannada dalka, loona adeegsaday cidda lahayd mulkiyadda guryaha ay kiraysteen.
“Waa wax hadda ku soo kordhay nidaamka Somaliland, waxaynan bilawnay axsaabta sannadkii 2002-kii, maantana waxa aynu maraynaa 2017-kii, markaa inta aan xasuusnahay hore umay dhicin in xisbi guri kiraystay lagu qabsado amma qaar ay ku jiraan la yidhaah ka baxa oo xisbinimada awgeed looga saaro hore umay dhicin. Hargeysa ayey ka dhacday in xisbigu guryaha uu kiraystay ay mulkiilayaashii yidhaahdaan ka baxa, welibana sida la sheegayo ay maanta haddana KULMIYE kireeyeen, iyagoo la ahaa xisbiyada ka kirayn mayno, markaa dhaqankaasi waa dhaqan fool xun, waxaanan qabaa in dhaqankaas la suuliyo, lana baabi’iyo,” ayuu yidhi Md. Cabdiraxmaan Cirro.
Waxaannu intaas ku daray; “Waxa weliba ayaan-darro ah in dadka guryaha qabsanaya ay ka mid yihiin masuuliyiinta xukuumadda ee gobolka joogay, haddii ay Badhasaabka tahay iyo haddii ay maayirka tahayba. Gurigaas Gabiley weli wuu daldalan yahay, gurigana nootaayo sharci ah ayaannu ku kiraysanay, furayaashiina waannu haysanaa weli, haddana ciidan ayaa haysta, mararka qaarkoodna waxa la leeyahay xisbigu (WADDANI) degaanka maaha, xisbiguna degaan kasta wuu yahay, waxaanan ugu baaqaynaa dadka fool xumadaas ku kacay inay ka waantoobaan, xisbiguna meel kasta wuu ka kiraysan karaa oo KULMIYE xaq waxa uu u leeyahay degaan kasta inuu tago, in laga kireeyo oo aan lagu farogelin, waanan uga digaynaa masuuliyiinta xukuumadda inay farogeliyaan arrimaha axsaabta,” ayuu yidhi Guddoomiye Cirro.
Waxa kaloo uu tilmaamay in calamaanta xisbiga WADDANI laga furay degaanno murrashaxa madaxweynaha ee KULMIYE socod ku maray, waxaannu yidhi; “Waxa dhacday in shalay (maalintii Salaasada) oo u dambaysay in calamada xisbiga WADDANI la yidhaahdo KULMIYE ayaa soo maraya ee ha laga furfuro meesha, waxaasina may ahayn wax hore u jiray, mana ahayn curfi hore u jiray, waxaanna la doonayaa tartan xalaal ah.”
“Waxa kale oo maalmahan dambe dhaqan noqdnay in masuuliyiinta xukuumadda ee gobolladu ay aad u xidhxidhaan masuuliyiinta xisbiga WADDANI ee gobollada, taasina waxa ay meesha ka saaraysaa in si xor ah loo tartamo, arrintaasna waannu uga digaynaa masuuliyiinta xukuumadda inay falalkaas ku kacdo.”
Murrashaxa Madaxweynaha ee xisbiga WADDANI, ayaa caddeeyey in masuuliyiin uu ku sifeeyey inay miisaan culus leeyihiin oo ka soo jeeda degaannada Hargeysa ay ku biirayaan xisbigiisa, kuwaasoo xaflad soo dhawayn ah loo qabanayo Khamiista maanta, isagoo tilmaamay in xubnaha ku biiraya WADDANI ay isugu jiraan qaar xilal hore uga soo qabtay qaranka Somaliland iyo qaar aan wax xilal ah soo qaban.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post