Araweelo News Network
Hargeysa (ANN)-Murrashaxa Madaxweynaha Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa casuumad sharafeed aad u heer saraysa gurigiisa magaalada Hargeysa ugu sameeyey Madaxweynahii hore ee Jamhuuriyadda Somaliland Md. Daahir Ra’yaale Kaahin oo dhawaan dalka dib ugu soo socday, ka dib socdaal uu in muddo ah ugu maqnaa dalka dibaddiisa.
Hadhimo-sharafeeddan loo sameeyey Daahir Rayaale Kaahin, waxa ka qaybgalay murrashaxa Madaxweyne-ku-xigeenka WADDANI Ambassador Maxamed Xaaji Cali Cabdi, xubno ay ka mid yihiin Cali Sanyare, Siciid Sulub Maxamed, Aadan Dhooleyare oo dhammaantood xilal wasiirnimo ka soo qabtay xukuumadda UDUB ee Daahir Rayaale, siyaasi Cali Cantar oo ka tirsan hoggaanka Xisbiga WADDANI, xildhibbaan Cabdiraxmaan Aw-Xoog, Md. Xuseen Ismaaciil, Siyaasi Xasan Xuseen Codyare, Pro.Qaasim Tubeec iyo weliba mas’uuliyiin iyo haldoor kale oo aad u tira badan.
Kulankan hadhimo-sharafeed ah, ayaa intii uu socday ay labada dhinac isku weydaarsadeen arrimo badan oo khuseeya xaaladda guud ee dalka Somaliland, waxaanna Murrashaxiinta Madaxweyne iyo Ku-xigeen ee Xisbiga WADDANI iyo weliba mas’uuliyiinta kaleba ay ku dheeraadeen sida oo kalena ay ku boggaadiyeen Daahir Rayaale Kaahin halkii uu soo gaadhsiiyey qaranka Somaliland iyo sida dimuqraadiyadda ahayd ee uu u wareejiyey xilkii Madaxtinimo ee Somaliland markii ay qabsoontay doorashadii madaxtooyadu bishii June ee sannadkii 2010-kii.
Wasiirkii hore ee Wasaaradda Qorsheynta Qaranka Somaliland ee xukuumaddii UDUB Md.Cali Sanyare oo la hadlay qaar ka mid ah Warbaahinta, ayaa faahfaahin ka bixiyey ujeedada hadhimo sharafeeddaas iyo weliba sida oo kale waxyaabahii laga ga wadahadlay kulankii dhexmaray Madaxda WADDANI iyo Madaxweynahii hore ee Somaliland.
“Waxa qado-sharafeed sameeyey guddoomiyaha, ahna Murrashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Cirro oo u sameeyey Madaxweynaheenii hore ee Somaliland Md. Daahir Ra’yaale Kaahin oo hadda dalka jooga, waxaana casuumaddaas yimmi kaadirka Xisbiga iyo saaxiibaddiisii hore ee Xisbigii UDUB iyo weliba dad badan oo kale oo ah hal-doorkii dalka, si wanaagsan bay casuumaddaasi u dhacday oo aad iyo aadna waanu ugu hambalyeynay Madaxweyne Ra’yaale sidii fiicneyd ee uu xilka u dhiibey, waddankana halkii uu soo gaadhsiiyey baa iyana aad iyo aad loogu boggaadiyey, waxaanna runtii ay ahayd qado sharafeed dad is yaqaanaa ay is casuumeen oo aad iyo aadna si farxadle oo fiican ayey u dhammaatay,” ayuu yidhi Siyaasiga Cali San-yare.
Waxa kaloo uu intaas ku daray; “Qoladayadii berigii hore ahayd UDUB-na ee immika ka tirsan WADDANI, waxa aanu annaguna casuumad gaar ah u sameynaynaa Madaxweyne Daahir Ra’yaale Kaahin, waa Madaxweyne mudan in la sharfo, waa Madaxweyne mudan in la qadariyo, waa Madaxweyne runtii intii uu xilka hayey aad iyo aad uu dalku hore ugu maray, dalkuna uu aad iyo aad ugu badhaadhay, markaa anaga oo sidaas u qadarineyna ayaanu anagu na Insha Allaah casuumad weyn baanu u sameyn doonaa.”
Dhinaca kale, marwada murrashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Marwo Farduus Maxamed Rooble, ayaa hadhimo sharafeed aad u heer saraysa gurigeeda ugu sameysay Marwada Madaxweynihii hore ee Somaliland marwo Huda Barkhad Aadan.
Hadhimo-sharafeeddan ay marwadu u sameysay Huda Barkhad Aadan, ayaa waxa sidoo kale ka qeybgalay wasiirkii hore ee haweenka Xukuumaddii Daahir Rayaale marwo Faadumo Suudi, La-taliyaha murrashaxa Madaxweynaha ee WADDANI marwo Faadumo Siciid, xildhibaan Baar Siciid iyo weliba sida oo kale hal-door iyo haween aad u tira badan.
Marwada Madaxweynaha WADDANI marwo Farduus Maxamed Rooble iyo weliba sidoo kale haweenka kaleba, waxa ay si aada ugu dheeraadeen doorkii ay marwo Huda Barkhad Aadan ay ka soo qaadatay dhismaha qaranka Somaliland iyo sida oo kale halkii ay iyada iyo seygeeda Daahir Rayaale Kaahin ay soo gaadhsiiyeen, waxayna si aada ugu ammaaneen in Huda Barkhad ay ahayd marwo kaalin muuqata kaga jirtay dhismaha dalka iyo horumarkiisaba.
Ugu dambeyntii, marwo Huda Barkhad Aadan oo iyaduna dhankeeda la hadlaysay Marwada Murrashaxa Madaxweynaha WADDANI, ayaa ugu horreyn uga mahadcelisay hadhimo-sharafeedda ay ku maamuuseen, waxayna xustay in ay reer WADDANI ku ammaaneyso dedaalka ay ugu jiraan ka qeyb-qaadashada dhismaha dalka Somaliland iyo weliba sida oo kale gaadhsiinta kaalin muuqata oo horumarineed.