#Araweelo_News_Network.

Hargeysa(ANN)- Murrashaxa Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Crro) oo khudbad dheer ka jeediyay Shirka Gollaha dhexe ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, oo ka furmay maanta Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland, ayaa ka hadlay dhibaatooyinka siyaasadeed iyo dhaqaale ee dalka iyo waxa uga qorshaysan haddii ay ku guulaystaan doorashada 13 November 2024.

Sidoo kale, Murrashaxa ayaa ka hadlay  siyaasadda hoggaaminta ee xukuumadda Xisbiga KULMIYE iyo qorshaha ay doonayaan innay WADDANI ahaan wax kaga beddelaan, isagoo soo qaatay tusaalayaal iyo tilmaamo wuxuu Cabdiraxmaan Cirro si cad ugu taabtay khudbadiisa meelaha ay Bulshadu sida weyn u tebayaan ee uu doonayo msutaqbalka dhow ay wax ka bedelaan.

Khudbada murrashaxa oo ahayd mid si weyn loo soo diyaariyay, ayaa u muuqatay mid si weyn usoo jiidatay bulshada, taas oo ka duwanayd khudbadihiisa hore, isla markaana uu qaadaa dhigay guud ahaan dhibaatooyinka jira iyo siyaasaddaha ku xeeran Somaliland iyo waxa uga qorshaysan.

 

Arrimaha uu soda gaar ah ugaga hadlay waxa ka mid ahaa dhinacyada cadaaladda, sinaanta Bulshada, la dagaalanka eexda iyo qaraaba kiilka, amniga midnimada bulshada iyo wanaajinta siyaasadda arrimaah dibadda, isagoo tilmaamay qorshahooda dalalka jaarka oo ay ku jirto Soomaaliya.

Arrimaha difaaca iyo qorshihiisa Ciidamada wuxuu sheegay in ahmiyada siinayo, siagoo yidhi, ” Waxaan ballan-qaadayaa dib u dhiska iyo tayeynta Ciidanka Qaranka iyo u kordhinta Mushaharkooda oo aan u kordhin doonno boqolkiiba laba boqol iyo kontan 250% iyo kor u qaadida addeeg-yadda Caafimaad ee Ciidanka Qaranka JSL iyo taabo gellinta dhismayaasha gur-yaha Ciidanka Qaranka…”Musharraxa Madaxweyne ee Xisbiga WADDANI Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro.

Sidoo kale, wuxuu tilaamamay dhinaca shaqooyinka iyo horumarka dhinacyada adeegyada caafimaadka, waxbarashadda, biyaha iyo horumarinta  dhaqaalaha, wallow uu sheegay in waxyaabaha uu laga hadlay khudbadiisa ay ku jiraan barnaamijka ay doonayaan innay bulshadu codka ku siiso oo lagu soo bandhigayo Buugga Xisbiga.

Khudbada Murrashaxa Xisbiga WADDANi oo dhamaystiran halkan ka Daalaco

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com