X
    Categories: Warar

Murrashaxa Madaxweyne Ee WADDANI Oo Ka Hadlay Duruufaha Dhaqaale Ee Shacabka Somaliland Haysta Xisbiga Kulmiyena Ku Tilaamamay Foosto Gun La’a

Araweelo News Network

“Saaka Subixii Hore Saribada ayaa tegey, waxaan weydiiyay Tamaandhada, Hilibka Iyo Dhamaan Khudrada Inta La Siiyo,” Murrashax Cabdiraxmaan Cirro

Hargeysa(ANN) – Murashaxa Madaxweyne ee xisbiga Waddani, Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa si qoto dheer uga hadlay duruufaha dhaqaale iyo nololeed ee dhawrkii bilood ee ugu dambeeyey la soo darsay shacabka Somaliland.

Murashax Cabdiraxmaan Ciro waxa uu sheegay in dhamaan khudradii bulshadu ay quutal daruuriga u isticmaalaysay ay korodhay boqolkiiba boqol, isla markaana mushaharaadka ay qaataan ciidamada iyo shaqaalaha dawladu aanay waxba jaray sicir bararka dalka ka jira awgeed awgii iyo xisbiga Kulmiye oon doonayn inuu wax ka qabto arimahaasi.

Musharax Cabdiraxmaan Cirro waxa uu sidaasi ka sheegay munaasibad balaadhan oo xisbiga Waddani ay ku soo biirayeen taageerayaal ka soo jeeda beesha Xaamud Cismaan Xuseen oo ka mid ah beelaha Sacad Muuse, waxaanu Murashaxu tilmaamay in Bulshada Somaliland ay ogaatay in xisbiga Kulmiye uu yahay Foosto Gun la’.

Murashax Cabdiraxmaan Ciro oo ugu horayn xisbiga Waddani ku soo dhaweynaya Beeshaasi ayaa waxa uu yidhi “Inaan halkan ku soo dhaweeyo beeshan Weyn ee Xaamud Cismaan Xuseen oo halkan ku soo bandhigtay taageerada ay sida weyn u taageerayso rabistaanka shacbiga Somaliland oo ah isbadal aad baan ugu faraxsanahay. Isbadalkana waxa wada Waddani, waxaan idinku soo dhaweynayaa qalbi furan iyo gacmo furan iyo waji furan iyo xisbi aan la kala lahayn.

Waa laga soo sheekeeyey deegaanka iyo taariikhda beesha aad iyo aad ayaa looga sheekeeyey waxay anagana noo tahay qarankana u tahay mustaqbalkana u tahay taageeradiinu hiil insha allaahu waxaad noqon doontaan muftaaxa guusha shacbigu doonayo oo ah isbadal.

Barigii hore dhakhaatiirtu dalka way ku yarayd, waxa jiri jiray hal jeel oo jeel magnuunka la odhan jiray oo Berbera ku yaala, markaa Jeel magnuunka qofku inuu ladnaaday iyo inaanu ladnaan wax kale oo lagu tijaabiyaa muu jirin, waxa ooli jiray baa la yidhi foosto gun la’, dabadeedna waxa la odhan jiray marka la isyidhaa wuu yara ladnaaday soo dhaami foostadan, dabadeed ka aan ladnaanini biyuhuunbuu ku furi jiray oo qasabadu way iskaga socon jirtay uun, Ka ladnaadayna wuxuu odhan jiray waar bahashu way gun la’dahay dabadeedna shahaadad ayaa la soo siin jiray oo wuu ladnaaday ayaa la odhan jiray.

Waxaan leeyahay Shacbiga Somaliland Kulmiyow wuu miyirsaday wuxuu ogaaday Kulmiye Foosta Gun la’ inuu yahay, foosto gun la’ ma waxbaynu iskaga shubnaa, waxaynu ku guranaynaa mid gun leh ta gunta lihina waa Waddani, hadii alle yidhaa. Markaa shacabka inta miyirsatay codkooda waxay ku gurayaan Waddani, Barnaamijkeena iyo himiladeena iyo waxa aynu doonayno waa inoo Waddani.

Xisbiga Waddani waxaan idiin xaqiijinayaa dadkii bilaabay ee aasaasay iyo dadkii ku soo biiray ee maalinba uu qofi ku soo biirayey rag iyo haweenba inaan midina mid ka riixin, inaan midina mid ka lahayn, inaan talada la kala lahayn, inaan himilada la kala lahayn, inaan darajada la kala lahayn, waa laga yaabaa in ururada markii la bilaabayay ururadu waxay ku bilaabmaan wax yar, deegaanadu inay ku kala badnaayeen ayaa laga yaabaa, laakiin xisbiga Waddani oo ay ku soo biireen intaas oo miisaan lihi oo idinku aad ugu dambayseen oo bari jira oo sahad-dambe jira oo saakuun jira, shacabkii Somaliland waxaanu u kala weynay wakhti, waxay doonayaana way cadahay.

Waxay soo tijaabiyeen Kulmiye, Cadaaladiisay soo tijaabiyeen, waxay soo tijaabiyeen amaanadiisa, dimuqraadiyadiisa ayay tijaabiyeen, dimuqraadiyadiisa waxa inooga warami doona saxaafada, Kulmiye waa xisbigii ugu xidhitaanka badnaa saxaafada, Joornaalo dhan ayaa la waayey Haatuf meeday, Berberi Meeday, lacagtii shillinka Somaliland meeday, halka dollar waxa uu ahaa 6,000 ilaa 7,000, saakaan tagay subixii hore saribada, waxaan waydiiyey Tamaandhada inta la siiyo, waxaan waydiiyey Hilibka inta la siiyo, waxaan waydiiyey dhamaan khudrada inta la siiyo, ta ugu yari boqolkiiba boqol ayay kacday dhawrkii bilood ee ugu dambeeyey, shacbigu ma waxbuu iibsan karaa, waxay dhariga ku ridaan ayay la’yihiin shacbigii Somaliland.

Askarigii boqolka dollar qaadanayey maanta waxa uu qaataa Konton dollar, ninkii dawlada u shaqaynayey ee isna boqolka ama labada boqol qaadanayey nus ayay noqotay mushaharadiisii oon caruurtiisa u qaybsamin.

Maanta Somaliland wax walba way ka aradan tahay, Adeeg Caafimaad ayay ka aradan tahay, biyey ka aradan tahay, waxaad eegtaan maalinwalba mashaariicda dawladu bixiso intaas oo milyan oo dollar ayaa wax lagu bixiyaa oon aan waxtar lahayn.” Ayuu yidhi Murashaxa Madaxweyne Ee Xisbiga Waddani, Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro).

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post