X
    Categories: Warar

Murrashaxa Madaxweynaha WADDANI Oo Kulamo La Qaatay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Baarlamaanka Dalka Jarmalka

Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)-Murashaxa Xisbiga WADDANI Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo waftigii uu hoggaaminaayay ayaa kulamo muhiim u ah qadiyadda Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu la qaatay Wasaaradda arrimaha dibadda Dalka Jarmalka iyo Baarlamaanka Dalkaas.

Kulanka hore oo ka qabsoomay Wasaaradda arrimaha dibadda oo qaatay saacado badan waxay Labada dhinaca ka wada hadleen arrimaha doorashooyinka ku soo fool leh Somaliland, abaaraha iyo mucaawinooyinka.


Madaxa Wasaaradda arrimaha dibadda oo uu hoggaaminayayOo uu hogaaminaayay ku-xigeenka arrimaha Afrika ee Wasaaradda arrimaha dibadda Arvid Enders waxay ballanqaadeen inay Dawladda Jarmalku door weyn ka qaadan doonto horumarinta Dimuquraadiyadda Somaliland, iyagoo korjoogayaal u soo diri doona doorashada qabsoomaysa 13 November.

Geesta kale waxay walaac weyn ka muujiyeen dibudhacyada soo noq noqday ee ku yimi hanaankii doorashooyinka ee Somaliland caanka ku ahayd.


Dhinaca kale Murashaxa Xisbiga WADDANI oo hadal dheer oo dhinacyo badan taabanaya jeediyay wuxuu ka hadlay wax yeelada Shacbiga Somaliland ka soo gaadhay abaarihii ku dhuftay iyo doorka gacan qabasho ee ay uga baahanyihiin Dawladda Jarmalka oo ahbu yidhi mid kamid ah waddamada dhaqaalaha adduunka hoggaamiya. Sidoo kale wuxuu ka garaabay Murashaxa Xisbiga WADDANI dibudhacyada doorashooyinka ku yimi oo masuuliyada qabashadooda ay Xukuumadda saarnayd isagoo sheegay in haddii uu ku guulaysto hoggaaminta Somaliland aanay dhici doonin doorasho dib loo dhigo mar danbe .

Dhinaca kale waxay kulan balaadhan la qaateen Waftiga uu hogaaminaayo Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Guddiyo ka socday Baarlamanka Waddanka Jarmalka, kulankaasna waxa lagaga wadahadlay muhiimada Golayaasha Baarlamaanadu u leeyihiin nidaamka Dawliga ah iyo doorka la gudboon Baarlamaanka Somaliland ee dhinaca la xisaabtanka Xukuumadda.

Murashaxa Xisbiga WADDANI oo todobaad yadii u danbeeyay safaro ku maraayay waddamada Yurub wuxuu galabixiyay shirar Diplumaasiyadeed oo muhiimad weyn u leh qadiyadda Somaliland.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post