X
    Categories: Warar

Murrashaxa Madaxweynaha KULMIYE Oo La Kulmay Diblomaasiyiin Beesha Caalamka Ka Socda

Araweelo News Network

 

Hargeysa(ANN)- Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan la qaatay xubno safirro iyo diblomaasiyiin isugu jira oo ka socda Midowga reer Yurub iyo waddamo kale oo qaaradda Yurub ku yaalla, kuwaas oo Somaliland u yimi doorashadii madaxtooyada ee ka qabsoontay dalka Isniintii shalay.


Murrashaxa Madaxweynaha KULMIYE oo ay wehelinayaan saraakiil xisbiga ka tirsan oo ay ka mid yihiin Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE Md. Axmed Cabdi Dheere, Prof. Axmed Ismaaciil Samatar, aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen iyo xubno kale, ayaa kulankan oo ka qabsoomay Hutel Ambassador ee magaalada Hargeysa maanta waxa uu la qaatay xubno safiirro iyo diblomaasiyiin isugu jirta oo ka socota dalalka Norway , Sweden, Belgium, Switzerland, Netherland, UK, Denmark, Finland iyo xafiiska Midowga Yurub, waxaanay dhinacyadu kulankooda diirrada ku saareen arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin dhawridda ama sugidda natiijada doorashada madaxtinimada dalka ka qabsoontay, aqballaadda natiijada la wada filayo iyo sidii loo bogaadin lahaa hannaankii anshaxa iyo ixtiraamku ku gedaanaa ee ay bulshada reer Somaliland u gashay doorashadii shalay dalka ka qabsoontay.


Xubnaha safiirrada iyo diblomaasiyiinta isugu jiraa waxay ku dheeraadeen qiimaha ay doorashadii dalka ka dhacday qaranka Somaliland u soo jiitay iyo sida ay kor ugu qaadday sumcaddii dalka, iyaga oo intaas ku daray in sugitaanka natiijada komishanka laga filayo iyo ku qancideeduba sii laban-laabi doonto karaamada shacabka iyo xukuumadda Somaliland.


Murrashax Muuse Biixi Cabdi waxa uu si xeel-dheer uga xog-warramay safiirrada iyo diblomaasiyiinta ka socday dalalka Midowga Yurub iyo dalal kale oo ku yaalla qaaradda Yurub inay murrashax ahaan ka go’antahay sii ambo-qaadista horumarka Somaliland ka jira iyo Dimuqraaddiyadda xawliga ku socota, isla markaana uu diyaar u yahay inuu ka dhursugo natiijada ku laalan dhinaca Komishanka qaranka, marka ay soo baxdana uu aqbali doono.

Diblomaasiyiinta iyo safiirrada, ayaa iyaguna dhinacooda si waafi ah murrashax uga mahadceliyey sida uu diyaarka ugu yahay inuu dhinaciisa ka dhawro deggenaanshiyaha wadajirka bulshada reer Somailand, siina ambo-qaado horumarka dhinaca dimuqraaddiyadda ah ee Somaliland tusaalaha tolmoon ugu tahay dalalka ku yaalla qaaradda Afrika iyo waddamo badan oo dunida kamid ah.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post