X
    Categories: Warar

Murrashaxa Madaxweynaha Ee Xisbiga WADDANI Oo Cisbitaalka Hargeysa Ku Booqday Dadkii Ku Waxyeeloobay Rabshadahii Ka Dhacay Garoonka Ciyaaraha Hargeysa Stadium

Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ahna Murashaxa Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro) iyo guddoomiyaha Xisbigaasi Xildhibbaan Cabdiqaadir Jirde, ayaa saaka soo booqday dadkii ku waxyeeloobay rabshadahii shalay ka dhacay Garoonka ciyaaraha ee Hargeysa Stadium oo dhaawacyo soo gaadhay u yaala Cisbitaalka weyn ee Hargeysa.

Murashaxa Madaxweynaha WADDANI iyo Guddoomiye Cabdiqaadir Jirde oo sida oo kale ay wehelinaayeen xoghayaha Guud iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Xisbigaasi, ayaa ugu horreyn xaaladda guud ee dadkaas ka xaal waraystay wasiirka wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr.Saleebaan Ciise Axmed (Xagla-toosiye) iyo Agaasimaha guud ee Cisbitaalka weyn ee Hargeysa Dr.Askar oo halkaas ku sugnaa, waxaana ay u sheegeen in xaaladda guud ee dadka ku soo waxyeeloobay rabshadahii Ciyaaraha ee Garoonka Hargeysa ay aad u fiican tahay isla mar ahaantana ay qabaan dhaawacyo fudud sida oo kale na aanay jirin wax dhimasho ah oo la soo gaadhsiiyey Cisbitaalka weyn ee magaalada Hargeya.

Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro) iyo mas’uuliyiinta kale ee ka tisan Xisbiga WADDANI oo uu wehelinaayo agaasimaha guud ee Cisbitaalka weyn ee Hargeysa, ayaa intaa ka dib waxa ay booqasho ugu tageen dadkii dhawacyadu soo gaadheen oo iskugu jiray qaar ka tirsan Ciidanka Booliska Somaliland iyo weli ba dad shicib ah, isaga oo ka xaal waraystay xaaladdooda caafimaad, waxaana uu Alle uga baryey in uu dhammaantood ba uu caafimaad sareecan ah uu siiyo sida oo kale na waxa uu eheladdoodii iyo guud ahaan ba shacabka Somaliland uu u muujiyey in uu si aada ug xun yahay qaabka ay wax u dhaceen.


“Saaka, waxa aanu soo booqanay dadkii ku waxyeeloobay rabashadahii Garoonka Hargeysa, xaaladdooda Caafimaad aad ayey hada u fiican tahay, waxaana wasiirka Caafimaadka iyo agaasimaha Cisbitaalku noogga warbixiyeen sida ay wax u qabaan iyo xaaladdooda caafimaad ba dadkii la soo gaadhsiiyey Cisbitaalka, runtii aad baanu uga xun nahay in sida ay wax u dhaceen, waxaana aanu dhammaan dadkaas oo anay jirin wax dhimasho ah aanu Alle uga baryeynaa in uu caafimaad sareecan ah siiyo, waxaana aanu dhallinyarta ugu baaqaynaa in aanay rabshado noocaas oo kale ahi mar dambe innagu soo noqonin, iyada oon ciidamada uga mahadcelinaayo sida ay mas’uuliyadda ay u muujiyeen oo ay ku tusinayso tirada dhaawacyada la soo gaadhsiiyey cisbitaalka in ay Ciidamo u badan yihiin. dadkii dhaawacmay eheladdoodii waxa aanu lee nahay waanu ka xun nahay, waana aanu idin ka tacsideynaynaa Alle na caafimaad sareecan ah siiyo dhammaan ba intii waxyeeladu soo gaadhay.”.Ayuu yidhi Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro)

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post