X
    Categories: Warar

Murrashaxa Madaxweynaha Ee Xisbga WADDANI Oo Safar Ugu Baxay Kenya Kadib Martiqaad Xukuumadda Kenya U Fidisay

Araweelo News Network


Hargeysa(ANN)-Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ahna Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), oo maalmahii ugu dambeeyey socdaal shaqo ku joogay dalka Itoobiya isla mar ahaantaana halkaas kaga qeyb-galay xuska maalinta 11aad ee Qoomiyadaha dalkaasi, ayaa shalay martiqaad rasmi ah oo uu ka helay dawladda dalka Kenya ugu ambabaxay magaalada Neyroobi ee xarunta dalkaasi.
Ma jiraan ilaa hada wax war ah oo ka soo baxay dhanka guddoomiye Cirro, balse sida ay noo xaqiijiyeen ilo wareedyo ka agdhow, ayaa sheegaya in guddoomiyahu uu safarkaas ku tagay marti-qaad rasmi ah oo uu ka helay dawladda Kenya, waxaana ay wararku tibaaxayaan in uu halkaas ku soo sugnaan doono muddo kooban isla mar ahaantaana uu kulamo gooni gooni ah la soo qaadan doono Madaxda dawladda dalka Kenya oo ay uu ugu horreeyo wasiirka arrimaha dibadda dalkaasi Kenya oo la filaayo in ay ka wada hadli doonaan arrimo khuseeya xidhiidhka Somaliland iyo dalka Kenya iyo weli ba sida oo kale siddii loo sii xoojin lahaa cilaaqaadka diblomaasiyaddeed ee dalalka Somaliland iyo Kenya.
Geesta kale, wararku waxa ay sheegayaan in sida oo kale Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI uu halkaas iyaga na kulamo gaar ah kula soo yeelan doono deeq bixiyeyaasha Somaliland ka taageera arrimaha Doorashooyinka, diblomaasiyiinta reer Galbeedka u fadhiya halkaasi iyo weli ba sida oo kale ganacsato iyo qeybo ka mid ah jaaliyadda Somaliland ee halkaas ku dhaqan.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post