X
    Categories: Warar

Murrashaxa KULMIYE Muuse Biixi Oo Codkiisa Dhiibtay Kana Dareen Celiyay Sida Ay Dadku Codkooda U Dhiibanayaan

Araweelo News Network

 

Murrashaxa KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo codkiisa dhiibanaya 13 Nov 2017

Hargeysa(ANN )- Murrashaxa jagada Madaxwenaha xisbul-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa codkiisa ka dhiibtay doorashada Madaxtooyada ee cod-bixinteeda shacabku u dareereen maanta oo Isniin ah 13 Nov 2017.

Murrashaxa KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo codkiisa dhiibanaya 13 Nov 2017

Murrashax Muuse Biixi oo gudanaya xuquuqdiisa muwaadinimo ee distooriga ah waxa uu codkiisa ka dhiibtay mid ka mid ah goobaha ay doorashadu ka dhacayso ee xarunta Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee caasimadda Hargeysa subaxnimadii hore

Md. Muuse Biixi oo markii uu bixiyey codkiisa warbaahinta kula hadlay barxadda guriga shaqaalaha dawladda, waxa uu ka dareen-celiyey codbixinta doorashada shacabka reer Somaliland u dareereen maanta, isla markaana waxa uu dardaaran culus u diray cod-bixiyayaasha.

Murrashaxa KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo la hadlaya Hooyo Da’a ah oo doonay inay codkeeda dhiibato doorashada Madaxtooyadda 13 Nov 2017

Murrashax Muuse Biixi waxa uu guud ahaan bulshada reer Somaliland ee ku hawlan sidii ay madaxweyne cusub u dooran lahaayeen, wuxuuna ku boorriyey inay si nabadgalyo ah u dhiibtaan codkooda, “Maanta anigu dadka waxaan la qaybsanayaa farxadda iyo dareenka sare ee cod-bixiyayaashu ay ku dooranayaan madaxdii dalka, dareenkayguna wuu wanaagsan yahay, dadka codaynayana aad iyo aad baan u hambalyeynayaa, waxaanan ku hambalyeynayaa dulqaadka, safka iyo taagan yihiin, cadceedda iyo sida ay u soo kallaheen, dhallinyarada shaqaynaysana aad baan u hambalyeynayaa,” ayuu yidhi Md. Muuse Biixi Cabdi.

Murrashaxa KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo kormeeraya dadka codkooda dhiibanaya doorashada madaxtooyadda 13 Nov 2017 qaar ka mid ha goobaha Hargeysa.

Waxa kaloo uu si gaar ah u bogaadiyey ciidammada qalabka sida oo uu tilmaamay inay mudanyihiin in si gaar ah loogu mahadnaqo, maadaama oo ammaanka bulshada iyo midka doorashadaba ka masuul yihiin, waxaannu yidhi, “Ciidammada qalabka sida ee kala duwan ee ilaa xuduudaha ee kala duwan ee ilaa xuduudaha nabadda inoo xidhay ee goobaha inoo ilaalinayana aad baan u hambalyeynaya, Somaliland oo dhami way isku wada mahadnaqaysaa, Ilaahayna wanaag bay ka doonaysaa.”

Murrashaxa KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo kormeeraya dadka codkooda dhiibanaya doorashada madaxtooyadda 13 Nov 2017, qaar ka mid ha goobaha Hargeysa.

Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in si wadajir ah loogu hambalyeyn doono ciddii ay bulshadu u garato inay hoggaaminta qaranka ku guulaysato, waxaannu farta ku fiiqay inuu murrashax ahaan filayo inay bulshada codka ugu badan siiso, “Insha Allah waxaynu dooran doonaa madaxweyne cusub, saddex murrashax baana jooga, kii soo baxana waynu hambalyeynaynaa, anna waxaan is leeyahay codka ugu badan waad heli doontaa,” ayuu yidhi.

Murrashaxa KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo kormeeraya dadka codkooda dhiibanaya doorashada madaxtooyadda 13 Nov 2017, qaar ka mid ha goobaha Hargeysa.

Dhinaca kale, Murrashaxa Madaxweynaha KULMIYE waxa uu kormeeray goobaha ay cod-bixinta doorashadu ka socoto ee qaybo ka mid ah degmooyinka kala duwan ee caasimadda Hargeysa ka kooban tahay, waxana uu indhihiisa kusoo arkay shacabka ku dhaqan magaalada oo si hagar la’aan ah safafka ugu jira sidii ay u dooran lahaayeen madaxweyne cusub oo hoggaamiya qaranka shanta sanno ee soo socda.

Murrashax Muuse Biixi oo ay wehelinayaan xubno kooban oo ka mid ah xisbiga KULMIYE, ayaa socdaalkooda indho-indhaynta ah ugu kuurgalay sida ay codayntu u socoto, waxaannu masuuliyiinta iyo hawlwadeennada ka shaqaynaya goobaha uu maray kala sheekaystay habsami-u-socodka shaqada codbixinta a si meesha looga saaro wixii caqabado ah ee dib u dhigi kara xawaaraha loo qoondeeyey inuu muwaadin kastaa codkiisa ku dhiibto.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post