X
    Categories: Warar

Murrashax Muuse Biixi Oo Soo Bandhigay Shahaadooyinka Dhanka Siyaasadda Ee Uu Dheeryahay Murrashaxiinta La Tartamaysa

Araweelo News Network

 


Boorama(ANN)- Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha xisbul-xaakimka Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa soo bandhigay shahaadooyinka dhanka waayo-aragnimada iyo siyaasadda ee uu ka kasbaday dalka gudihiisa, kuwaas oo ah qaar uu dheeryahay labada murrashax madaxweyne tartanku ka dhexeeyo ee xisbiyada UCID iyo WADDANI – Eng. Faysal Cali-waraabe iyo Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro).
Murrashax Muuse Biixi oo khudbad ka jeediyey xaflad ballaadhan oo xisbiga KULMIYE ku soo dhaweeyey siyaasiyiin iyo haldoor miisaan ku leh gobolka Awdal oo ay hoggaaminayaan Md. Cabdirashiid Xasan Mataan iyo Cismaan Sheekh Cabdi oo ka dhacday huteelka Haldoor ee magaalada Boorama, waxa uu ka sheekeeyey macallimiintiisii soo baray culuunta hanoqaadkiisii nolosha, waayo-aragnimada iyo siyaasadda qaybaheeda kala duwan, kuwaas oo uu ka carrabaabay Prof. Saleebaan Axmed Guuleed, Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal iyo Madaxweyne Axmed Siilaanyo, isla markaana waxa uu sheegay in shahaadooyinka uu ka qaatay macallimiintaasi ay yihiin waxyaabaha uu dheeryahay murrashaxiinta la tartamaysa.
Md. Muuse Biixi isagoo arrintaasi ka hadlaya waxa uu yidhi, “Annagu haddaanu KULMIYE nahay maxaannu dheernahay labada xisbi ee kale? Saddexda nin ee u cararaya madaxweynenimada anigu saaxiibaday waxaan leeyahay saddex qodob ayuun baynu ku tartamaynaa oo kala ah; barmaamijka xisbiga, waayo-aragnimada dalka iyo waayo-aragnimada siyaasadeed ee ah jaamacadaha aannu ka soo baxnay.
Aniga jaamacadaydii hoose ee markii aan soo bilaabayey nolosha waxa i soo tababaray oo i soo layliyey oo i baray sida qaranka loogu shaqeeyo ee aan qof loogu shaqaynin ee baray in aan khiyaamo iyo dusdus meel lagu gaadhin ee nolosha waddo adag la qabsado oo dadaal la maro oo i baray in aan diinta ku dhegganaado oo aanan dal shisheeye u dal-tabyoonin oo aanan dalkayga baasaboor shisheeye ka doonan waa Prof. Saleebaan Axmed Guuleed (Guddoomiyaha Jaamacadda Camuud) oo nool ee yaa la ila tartamaya ha la keeno macallimiintii iyaga tababartay. Qallinka siyaasadda waxa ii qabtay Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo qardoofooyinka siyaasadeed in laga dabbaasho oo laga dulqaato oo haddaanad kulaylka siyaasadda iyo dalka hoggaamintiisa xejinayn in la iskaga leexdo siyaasadda oo isoo karkariyey Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo i siiyey shahaadadii u horraysay ee siyaasadda. Shahaadadii labaad ee Mastertiina waxa i siiyey Prof. Siilaanyo oo i baray sida dalka loo horumariyo. Haddaba, labada nin ee kale ee madaxweynaha doonaya macallimiintoodu waa kuwama yaa soo tababaray?” ayuu yidhi.
Dhinaca kale, Guddoomiyaha KULMIYE waxa uu ka hadlay barmaamij-siyaasadeedka cusub ee xisbigu ku galayo doorashada Madaxtooyada ee u qorshaysan 13-ka November 2017, kaasi oo xubno ka mid ah xisbiyada mucaaradku wax ka sheegeen, waxaannu ka xog-warramay heerarkii diyaarintiisu soo martay iyo baaxadda aqoonyahanka ka soo shaqeeyey.
“Dad badan baan maalmahan maqlayey oo wax ka sheega barmaamijka xisbiga KULMIYE, barmaamijka KULMIYE waxa tifaftiray oo ra’yigooda isugu geeyey in ka badan boqol iyo dheeraad aqoonyahan iyo siyaasiyiin oo reer oo gudo iyo dibadba jooga oo hufay oo haadiyey, saxartirkii iyo faaf-reebkii u dambeeyey waxa ku sameeyey 16 aqoonyahan oo gudo iyo dibadba kala jooga oo uu hormood iyo hoggaamiye u yahay Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo 30 sanno ahaa Proffesser Maraykjanka u dhiga siyaasadda iyo arrimaha dibadda bal ninka ku qabsanaya ee la doodaya Somaliland ha ii soo baxo, xagga warbaahinta waxa tifaftiray oo saxay dhawr iyo toban suxufi oo uu hoggaaminayo Maxamed Baashe Xaaji Xasan, bal ninkii ku qabsanayaa ha soo baxo, waa ninkii qoray dhawr iyo tobanka buug oo aannu ku nidhi bal naga eeg adigoo weliba dhexdhexaad ah. Barmaamijkaa oo tifaftiran iyo labadaa qandi ayaa lagu hawlgalayaa,” ayuu yidhi Md. Muuse Biixi Cabdi.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post