X
    Categories: Warar

Muranka Ka Alloosan Mooshinka Madaxweynaha Somalia Guddoomiyaha Baarlamaanka Oo Lagu Beeniyay In La Tuuray Mooshinka La Doonayo In Lagu Melgo Xasan Sheekh

Mogadhsu(ANN)Xiisad siyaasadeed, ayaa mar kale kasoo cusboonaatay Xukuumadda Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xildhibaano 14 August 2015, shirgudoonka Baarlamaanka uga gudbiyay mooshin ka dhan ah Madaxweynaha, kaas oo Maxkamadda Sare loo gudbiyay Afar maalmood kadib 18 August 2015.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia Prof. Jawaari, ayaa sheegay in la tuuray mooshinkii xildhibaanadu hore ugu soo gudbiyeen, isla markaana wuxuu xusay inay dhinacyada siyaasada ugu baaqayaan wadahadal lagu xaliyo khilaafka siyaasadeed.
Hase yeeshee Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Bare, ayaa u sheegay Idaacadda BBC-da laanteeda Af-Soomaaliga in aanay waxba ka jirin wararka sheegaya inay ka noqdeen mooshinkii Madaxweynaha, wuxuuna ku tilmaamay go’aanka Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia mid aan sharci ahayn oo shaqsi ah. Sidaa awgeed wuxuu ku dooday in aanay ka noqon mawqifkoodii mooshinka ka dhanka ah Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud.
“Mooshinku maaha warqad la tuurayo ee waa sharci, mana aha mid la tuuri karo, waxaana Garyaqaanada dhinaca Sharciga noo qaabilsani soo gudbin doonaan qoraalo iyo wixii Dukumentiyo ee aan hayno” ayuu yidhi Godax Bare oo ka mid ah Xildhibaanada ugu cad cad ee mudooyinkii u danbeeyay horkacayay mooshinka ka dhanka ah Madaxweynaha Somalia.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post