Araweelo News Network

geedkamaydiga1Ceergaabo(ANN)Dadka Deegaanka Gobolka Sanaag , ayaa ka walaacsan Tallaal lagu sameeyay ku dhowaad 50 Geed oo kala gedisan oo ka mid ah Dhirta laga soo guro Xabagta ugu qaalisan dunida ee gobolka Sanaag caanka ku yahay.
Koox ka socotay World Bank oo mashuurac hoggaaminayay oo maalmihii lasoo dhaafay gaadhay gobolka Sanaag, ayaa booqday dhulka Buuralayda gobolka Sanaag ee usii jeeda dhinaca Xeebta deeganka Xiis, kuwaas tallaal ku sameeyay dhirta xabagta ugu qaalisan ee ay boqolaalka sanadood manaafacadsanayeen dadka deegaanku.
Qaar ka mid dadka deegaanka ayaa u sheegay shebekadda Araweelo News Network in kooxda ka socotay World Bank, ay Tallaaleen 50 geed oo kala ah Maydiga, Moxorka, Dhidinka , Cadaadda iyo Guubalida ( Xiiska), waxayna Tallaalkaa ku macnayeen mid wax u taraya dadka maala xabagta kasoo go’ada dhirtaa oo suurta gelinaya inay ka helaan xabagtii ay markii hore ka maali jireen mid ka badan.
Dadka deegaanka ay ka baxdo dhirta laga soo guro Xabagta qaaliga ah ee ay ugu horeeyaan Maydiga iyo Moxorka , ayaa diidmo kala horyimi markii ay maqleen mashruuca ay wataan kooxda ka socotay Bangiga Aduunku ( World Bank).
Balse waxay kooxda ka socotay Bangiga Aduunku ( World Bank) oo u gudbay dhinaca Tuulada Raqas oo ka tirsan degmada Marsada Xiis oo ka mid ah Marsooyinka ugu caansan Somaliland , ayaaTallaalay 50 ka mid ah geedaha ugu qiimaha badan ee xabagta laga maamlo, kuwaas oo kala ah, Maydiga, Moxorka, Dhidinka , Cadaadda iyo Guubalida ( Xiiska), iyagoo ku dooday in loo qorshaha lagu tallaalay dhirtaa uu suurta gelinayo in dabayshu u gudbiso tallaalka dhirta ee deegaanka ee nooca la tallaalay, sidaa awgeed aan loo baahnayn in dhirta oo dhan la tallaalo.
Kooxda mashruuca wadatay, ayaa sheegay in Muddo sanad ah aan dadkii maali jiray xabagta dhirtaa waxba kasoo guranayn oo loo baahanyahay in aan la taaban, iyagoo ku macneeyay arrintaa mid suurta gelinaysa in Dhirtu kasoo kabato dhaawacyada soo gaadha marka xabagta laga guranayo. Sidaa awgeed mudadaa waxay balan qaadeen in dadka ka faa’idaysan jiray la siinayo dhaqaale ay noloshooda ku deberaan, isla markaana loo samaynayo dad ilaaliya mudada sanadka ah, si aan wax xabag ah looga gurin.
Hase yeeshee markii ay dadka manaafacaada dhirta la tallaalay, ogaadeen in Kooxda ka socotay Bangiga Aduunka ( World Bank), Deegaanka Raqas oo usii jeeda dhinaca Magaalada xeebta ah ee Xiis kasoo fuliyeen mashruucaa tallaalaka, waxay si weyn uga cadhoodeen in Beeraha dhirtooda lagu sameeyo tallaal aanay ogayn oo aanay waxba kala socon, taas oo dhalisay xiisad iyo muran sababi gaadhay gacan ka hadal oo dhexmartay dadkii lahaa dhirta iyo kooxdii gadhwadeenka u ahayd mashruuca ay wateen Kooxda ka socotay Bangiga Aduunka ( World Bank). iyadoo koox Odayaal ah dhexgaleen arrintaa si ay xaalada u dejiyaan.

Dadka deegaankaa gobolka Sanaag ee leh dhirta laga maalo xabagta, ayaa marar badan oo
hore sanadihii lasoo dhaafay ku gacan saydhay qorshayaal ay u arkayeen mashaariic madhalays ah oo kooxo sita magaca Bangiga Aduunka iyo Hay’addo kale doonayeen inay ka fuliyaan deegaankaa, kuwaas oo la xidhiidhay qorshayaal ku waajahan dhirta ugu qiimaha badan ee xabagta laga soo guro.