X
    Categories: Warar

Muqdisho: Weerar Lagu Khaarajiyay Saraal U Dhashay Dalka Maraykanka Iyo Dagaal Dhexmaray Ciidamada Djibouti Iyo Al-shabaab

Mogadishu(ANN)Dablay Hubaysan oo aan la aqoonsan, ayaa weerar qorshaysan ku khaarajiyay Eng. Cabdullaahi Cali Cashuur oo ahaa Saraal u dhashay Somalia, balse dhalasho Maraykan ah sitay, kaas oo la shaqaynayay Hay’addaha laga leeyahay Dalka Turkiga ee ka hawlgala Magaalada Muqdisho.
Weerarka ayaa ka dhacay caawa Sarta loo yaqaan Saybiyaano ee Xaafada Hodon Magaalada Muqdisho, waxaana sida laga soo xigtay dad goobta ka dhowaa weerarka sarkaalka lagu dilay fuliyay dablay aan la aqoonsan tiradooda, kuwaas oo goobta ka baxsaday markii ay fuliyeen weerarkaa.
Dhinaca kale Dagaalo ka dhacay Buula-berde oo ka tirsan Gobolka Hiiraan, ayaa waraka qaar sheegayaan in ay ku dhinteen Askar u dhashay Dalka Djibouti oo ka mid ah Ciidamada nabad Ilaalinta ee AMISOM oo ku sugan halkaa, waxaana dagaalka ka dhacay halkaa dhexmaray Ciidamada AMISOM ee ku sugan deegaankaa iyo Al-shabaab oo weeraro teel-teel ah ka wada qaar ka mid ah deegaamada gobolada Dhexe iyo Koonfurta.
Ma jiraan warar Madaxbanaan oo sheegaya khasaaraha labada dhinac ee dagaalada ka dhacay Hiiraan, isla markaana ma jiro wax war ah oo dhinacyada dagaalku u dhexeeyo ay kasoo saareen dagaalka.
Araweelo News Network
Somaliland Office
ifo@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post