X
    Categories: Warar

Muqdisho: Wasiirkii Gaashaandhigga Iyo Taliyihii Ciidamadda Ee Dawladda Federaalka Soomaaliya Oo iscasilay

Araweelo News Network

Axmed Jimcaale Geedi (Cirfiid)

Muqdisho(ANN)-Wasiirkii Gaashaandhigga Dawladda Federaalka Soomaaliya  Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed iyo Tliyihii Ciidamadda Soomaaliya  Axmed Jimcaale Geedi (Cirfiid) ayaa iscasilay.t

Wasiirka Gaashaandhigga, ayaa warqad iscasilaad ah u gudbiyay golaha wasiirada, iyadoo laga aqbalay inuu xilkaa iska casilo, balse
wararka hordhaca ah, ayaa sheegaya in aan la ogayn sababta uu wasiirkii Gaashaandhigga isu casilay xiligan.

Sidoo kale Taliyihii ciidamadda xoogga dalka Soomaaliya, Axmed Jimcaale Geedi (Cirfiid) ayaa iscasilay, wuxuuna madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmajo si deg deg ah u magacaabay Taliye cusub kaas oo ah Janaraal Cabdi Jaamac Xuseen (Gorod)

 

magcaabista Taliyaha cusub, ayaa la sheegayaa in ay ka danbaysay kadib markii uu talo soo jeedin ahaan golaha wasiirada u dhex keenay   , balse Taliyaha cusub ayaa ah nin aan wax badan laga aqoon, wuxuuna dowladdii madaxweyne Cabdiqaasim Salaad Xassan  kasoo noqday wasiir.

 

Jeneraal Axmed Maxamed Jimcaale Cirfiid ayaa taliyaha ciidammada xoogga dalka loo magacaabay 6-dii bishii April ee 2017-ka, wuxuuna xilkaa hayay 7 bilood oo kaliya, Abaanduulaha ciidanka xoogga Soomaaliya ayaa Sidoo kale loo magacaabay xiligaas Jen, C/llaahi Cali Caanood.

Sidoo kale Wasiirka gaashaandhiga ee iscasilay Cabdirishiid, ayaa  hore u ahaan jiray guddoomiyihii gobolka Bay, balse wuxuu kusoo baxay liiska golaha wasiirada 21-dii bishii March.

Dhinaca kale Shirka golaha wasiiradda ee maanta ee lagu aqbalay is casilaadiisa ayaa waxaa shir guddoominayay Ra’iisal Wasaare  ku xigeenka dawladda Federaalka Soomaaliya Axmed Guuleed.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post