X
    Categories: Warar

Muqdisho: Toogasho Lagu Fuliyey Laba Nin Oo Ku Eedaysnaa Dilka Gabadh Weriye ahayd

Araweelo News Network

Muqdisho(ANN)Laba nin oo la sheegay inay ka tirsanaayeen Al-shabaab, isla markaana ku eedaysnaa inay qarax miino ku dileen gabadh weriye ahayd oo la odhan jiray Hindiyo Xaaji Maxamed sannadkii la soo dhaafay, ayaa lagu fuliyey xukun dil ah shalay.
Labada nin oo magacyadoodu ahaayeen Cabdirisaaq Maxamed Barow iyo Xasan Nuur Cali, waxa lagu toogtay magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya shalay, kadib markii maxkamad millatari oo kiiskooda dhegaysatay ku xuntay dil, kuwaasoo laga diiday racfaan ay ka qaateen xukunka lagu fuliyey.
“Labada ninba waxa lagu helay dambi ah inay khaarajiyeen Hindiyo Xaaji Maxamed, taasoo baabuur ay wadatay lagu qarxiyey bishii December ee sannadkii 2015.” Sidaa waxa yidhi Garsoore ka tirsan Maxkamadda Sare ee Millatariga Soomaaliya oo la yidhaa Cabdillaahi Xuseen Maxamed oo saxaafadda la hadlay shalay.

Gabadhan weriyaha ee la odhan jiray Hindiyo Xaaji Maxamed, waxa la qarxiyey xilli ay soo baxday jaamacad ku taal Muqdisho, iyadoo horena loo dilay ninkeedii oo isna ahaa suxufi sannadkii 2012.
Dalka Soomaaliya, ayaa ku jira dalalka suxufiyiinta ugu badan lagu khaarajiyey, iyadoo ururka Al-shabaab halkaas kula dagaalamayo ciidanka Midawga Afrika ee AMISOM iyo kuwa dawladda Soomaaliya.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post