X
    Categories: Warar

Muqdisho: Saraakiil ka Tirsan Booliska Soomaaliya oo Xabsiga loo Taxaabay

Araweelo News Network

Muqdisho(ANN)Dhowr sarkaal oo ka tirsan ciidanka booliska Soomaaliya, ayaa xabsiga loo taxaabay, kadib markii lagu eedeeyey in ay sheegteen xilal been-abuur ah.
Masuuliyiinta bilayska Soomaaliya ayaa warbaahinta u sheegay in laba sarkaal oo la kala yidhaa; Col. Maxamed Jimcaale Cosoble iyo Col. Yuusuf  oo labada lagu eedeeyey inay sheegteen xilka taliyaha guud ee ciidanka booliska Soomaaliya lagu xidhay xabsi ku yaal magaalada Muqdisho gelinkii hore ee shalay.
Sidoo kale, saraakiil ka tirsan taliska ciidanka booliska ayaa iyaguna saxaafadda u sheegay in saraakiisha xabsiga la dhigay abaabulayeen qorsheyaal liddi ku ah ammaanka guud ee dalka Soomaaliya.
“Labada sarkaal ee maanta [shalay] la xidhay waxay doonayeen inay waddanka geliyaan khal-khal dhinaca amniga ah, isla markaana uu Col. Jimcaale sheegtay in uu yahay Taliyaha Booliska Soomaaliya oo been-abuur ah,” ayey yidhaahdeen masuuliyiinta taliska bilayska maamulka taagta daran ee Muqdisho.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post