X

Muqdisho: Ra’iisal Wasaare Rooble Oo Dhagax-dhigay Yardimeli Hospital Oo La Casriyaynayo

Araweelo News Network.

 

Muqdisho(ANN)- Ra’iisal wasaaraha dawladda Federaalka Soomaaliya ee xilligeedu dhammaaday, Maxamed Xuseen Rooble, ayaaa ka qaybgalay munaasibad lagu balaadhinayo Cusbitaalka Yardimeli Hospital ee Magaalada Muqdisho.

Sida lagu sheegay qoraal kooban oo kasoo baxay xafiiska rooble ee Villa Somalia, dhismaha cusub ee lagu kordhinayo Cusbitaalka ayaa labo jibaar ka weyn kii hore, iyadoo balaadhintiisa ay  ku timi baahida ay bulshada Soomaaliyeed u qabaan sidii ay u heli lahaayeen xarumo caafimaad oo tayo leh, isla markaana laga heli karo adeegyadii dalka dibeddiisa loo doonan jiray.

Ra’iisal wasaare, Rooble, ayaa dhagax dhigay dhismaha cusub ee lagu kordhinayo Cusbitaalka Yardimeli Hospital, wuxuuna uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Turkiga taageerada iyo garab istaaggooda shacabka Soomaaliyeed, isagoo sheegay in Xukuumaddiisu ay mudnaan gaar ah siineyso bixinta adeegyada taabanaya nollosha shacabka Soomaaliyeed sida Caafimaadka, Waxbarashadda iyo kaabeyaasha dhaqaalaha.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay in aan goobjoob u noqdo ballaarinta isbitaalkan iyo in lagu soo kordhiyo adeegyo cusub oo caafimaad oo ay ka faa’iideysan doonaan muwaadiniinta Soomaaliyeed”.Ayuu yidhi Ra’iisal Wasaarahu, wuxuuna intaa ku daray in ay soo dhaweynayaan cid walba oo maalgashanaysa dalka.

Munaasabadda dhagax-dhigga waxaa kale oo kasoo qeybgalay Danjiraha Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Duqa Muqdisho iyo mas’uuliyiin ka tirsan labada gole ee Dawladda Federaalka ee Soomaaliya.

Dhinaca kale, YardimeliHospital, ayaa ka mid ah cusbitaalada ay dawladda Turkiga ka dhistay Magaalada Muqdisho, waxaana ka hawlgala dhakhaatiir u dhashay dalka Turkiga iyo dhakhaatiir Soomaali ah, isagoo bixiya Yardimeli Hospital adeegyo caafimaad oo kala duwan, waxaana blaadhinta xilligan ee dhismayaasha lagu kordhinayo lagu macneeyay mi meesha ka saaraysa in dad baddan oo caafimaad u tegi jiray dalka dibeddiisa ay kaga kaaftoomaan.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post