X
    Categories: Warar

Muqdisho: Qarax Baabuur Oo Khasaare Ka Dhashay

Araweelo News Network

Qaraxa Muqdisho


Muqdisho (ANN)- Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhintay, tiro kale oo intaas ka badanna way ku dhaawacmeen qarax aad u xooggan oo ka dhacay jidka Maka Al-Mukarama ee hawlbowlaha magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya duhurnimadii.
Qaraxa oo loo adeegsaday baabuur walxaha laga soo buuxiyey oo lala eegtay goobo ganacsi oo aad looga dukaamaysto oo u dhexeeya saldhigga booliska Waabariyo iyo hudheelka Maka Al-mukarama oo ka mid ah hudheellada ugu waaweyn ee ku yaal magaalada Muqdisho.
Afhayeenka Wasaaradda Amniga ee Soomaaliya Mr. Axmed Carab, ayaa warbaahinta u sheegay inay qaraxaas ku dhinteen shan qof, toban kalena ku dhaawacmeen, kuwaas oo uu xusay in ay u badan yihiin shacab.
Hase yeeshee, goob-joogayaal ayaa caddeeyey in khasaaraha nafeed ee ka dhashay qaraxu ka badan yahay tirada masuuliyiinta maamulka Muqdisho sheegeen.
Ilaa hadda si cad looma oga tirada rasmiga ah ee ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay qaraxaas oo lagu tilmaamay inuu yahay kii ugu cuslaa ee ka dhaca Muqdisho beryahan dambe.
Sidoo kale, qaraxa ayaa burbur xooggan gaadhsiiyey dhismayaal kala duwan iyo baabuur yaryar nooca raaxada u badan oo yaallay hareeraha goobta gaadhiga miinaysan ku qarxay.
Ma jirto cid sheegatay masuuliyadda weerarkaas, balse waxa la aamisan yahay inay ka dambeeyeen xoogagga Al-shabaab oo had iyo jeer qaraxyo ka fuliya inta badan magaalooyinka waaweyn ee dalka Soomaaliya.
admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post