X

 Muqdisho Oo Wadooyinka La Dhoobay Ciidamo Iyo Mucaaradka Oo Socdaal Dhoolatus Ah Kaddib Ku Baaqay Mudaharaad

Araweelo News Network.

 

#Muqdisho(ANN)-Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilligeedu dhammaaday, ayaa boqolaal ka mid ah ciidamada amaanka kusoo daadisay shaaracyada wadooyinka halbawlaha ah ee magaalada Muqdisho.

Ciidamada oo lagu arakayo caawa wadooyinka, ama jidadka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho, ayaa ah kuwa sida gaarka ah u tababaran ee loo yaqaan Haramcadka, kuwaas oo ah kuwi aad ugu hubeysan gaadiid dagaal iyo qalab kale oo culus.

Goobaha iyo wadooyinka muhiimka ah ee la dhigay ciidamadan ayaa waxaa a mid ah agagaarka  Isgoyska Km4,  duleedka iyo hareeraha Villa Somalia, wadooyinka soo gala taalada daljirka Dahsoon iyo goobo kale oo ka tirsan magaalada oo halbawle u ah isu socodka magaalada.

Arrintan, ayaa ka danbaysay kaddib markii ay galabta socdaal lug ah oo dhoola-tus ah ay ku tageen siyaasiyiinta la baxay midawga Murrashaxiinta taallada daljirka dahsoon, iyagoo ku baaqay in maalinta beri oo Jimce ah laysugu soo baxo mudaharaad weyn oo lagu didianyahay xukuumadda Madaxweyne Farmaajo.

Shiikh Shariif oo ka mid ah kooxda la baxay midawga murrashaxiinta, isla markaana ka mid ahaa xubnaha galabta socodka ku maray Taalada daljirka Dahsoon, wuxuu ku baaqay in laysugu soo baxo mudaharaad.

 

Mudaharaadka ay ku baaqeen, wuxuu ku tilmaamay mid astaan u ah inaan la khasaasirin dedaalkii ay shacabka Soomaaliyeed ku bixiyeen dowladnimada, wuxuuna sheegay in shacabku ay fahamsan yihiin qiimaha uu leeyahay dibed baxaa iyo siduu u dhici lahaa.

“Beri waa maalin taariikhi ah ayay noqonaysaa, halkan waxaan rajaynaynayaa inuu ka dhaco dibed bax weyn oo ujeedadiisu tahay ilaalinta xoriyadda, sharciga iyo Dimoqraadiyada, waxaan ugu baaqaynaa shacabka Soomaaliyeed innay kasoo qayb galaan” ayuu yidhi, Shiikh Shariif. oo ah mdaxweynihii hore ee Soomaaliya, xilligana ka mid ah kooxda la baxay gollaha murrashaxiinta ee sida weyn mucaardka ugu a xukuumadda Farmaajo ee Soomaaliya.

Sh. Shariif, ayaa amaan u jeediyay Ciidamada amaanka dawladda Federaalka ee Soomaaliya, isagoo ku tilmaamay kuwo ku amaanan shaqada ay u hayaan bulshada, sidaa awgeed, wuxuu sheegay  innuu ku wargelinayo ciidmada inay ogaadaan in dibad baxa beri loo balamay ee ay ku baaqeen uu yahay mid nabadeed oo lagu xoojinayo sida uu sheegay Nabada iyo dowladnimada, sidaa awgeed, wuxuu ugu baaqay ciidamada amaanka oo ka  codsaday in aannay carqaladayn oo ay taas bedelkeedna  ka shaqeeyaan amniga.

 

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post