X
    Categories: Warar

Muqdisho Oo Noqotay Magaalada Ugaadhisga Dadka Iyo Madaxtooyadda Somalia Oo Madaafiic Lagu Garaacay

Araweelo News Network

Mogadishu(ANN)Xarunta Magaalada Muqdisho ee Somalia, ayaa hoy u noqotay meel ay ka ugaadhsadaan kooxda Al-shabaab, kuwaas oo dilal shirqoolo iyo qaraxyo ka fuliya maalin walba, ayaa maanta madaafiic lagu garacaay dhismaha ay ku jiraan Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Xukuumadiisu.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Xukuumadda Somalia, balse warar dheeraad ah oo laga helay weerarka madaafiicda, ayaa sheegaya in maanta duhurnimadii oo madaafiic aan la ogayn jihada ay kasoo dhacayaan lagu garaacay Degmada Wardhiigley ee Gobolka Banaadir gaar ahaan agagaarka xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya oo ay ku shirayeen golaha wasiiradda Somalia.

Dad ku sugan deegaanka, ayaa u sheegay warbaahinta in ugu yaraan Afar Madaafiicda ah oo aan la ogeyn halka laga soo tuuray qaarkood ku dhaceen xarunta Degmada Wardhiigley, labo kale ayaa sidoo kale ku dhacday qeybo kamid ah Degmada Wardhiigley.

waxaana la xaqiijiyay ilaa inta la ogyahay in labo qof oo shacab ah ay ku dhinteen Madaafiicda lagu garaacay Degmada Wardhiigley, isla maraana sadax qof kale oo shacab ah, ayaa dhaawacyo kasoo gaadheen sida uu warbaahinta u xaqiijiyay Gudoomiye ku-xigeenka dhinaca Arimaha Bulshada Degmada Wardhiigley Maxamed Cabdi Axmed Qaaye.

Al-shabaab ayaa sheegatay madaafiicda lagu garaacay Villa Somalia, waxayna sheegeen in tobaneeyo madfac ay ku rideen xili ay Villa Somalia ku shirayeen golaha wasiiradda Somalia ee Xukuumadda Xasan Sheekh.

Weerarrada Qaraxyada iyo Ugaadhsiga masuuliyiinta dawlada iyo Hay’addaha Caalamiga ah, ayaa maalin walba ka dhaca Muqdisho, gaar ahaan goobaha ay degan yihiin Ciidamada AMISOM iyo xarumaha Dawlada Somalia, mana jiraan weerarrada iyo qaraxyadaa cid loo qabtaa, iyadoo saraakiishu amaanku ku doodaan in kooxo dablay ah fulyeen, kadibna ka baxsadeen goobta, balse weerarradaa waxa sheegta Al-shabaab.

sidoo kale malayshiyaad gaadiidka dagaalka wata, ayaa laga cabsi qabaa in dagaal ku dhexmaro Degmada Hodan Ee Magaalada Muqdisho Cidamo kuwa dawlada ah oo doonayay inay halkaa ka saaraan dad shacab ah dhismayaal ay dawladu leedahay, iyadoo arrintaa ay ka dhalatay xiisad u dhaxaysa ciidanka iyo malayshiyo hub iyo gaadiid kusoo urursaday halkaa si ay u hor istaagaan in dadkaa laga saaro guryaha dawlada, waxaana labada dhinac is weydaarsadeen tacshiirado rasaas ah oo aan la sheegin weli khasaaraha ka dhashay.

Haweenay u shaqeynaysay shirkadda Favori oo ah shirkad laga leeyahay Turkiga oo maamusha Madaarka Muqdisho, ayaa weerar lala beegsaday dhaawac kasoo gaadhay, kadib markii koox hubaysan ku weerarreen degmada Wardhiigley, iyadoo xalay lagu weerarray gurigii ay deganaayeen shaqaale kale oo u shaqaynayay shirkada Turkiga ee Favori, waxayna weerarrada iyo qaraxyadu noqdeen kuwo aan kala joogsanayn oo maalin iyo habeen ka socda Muqdisho, kuwaas oo inta baddan ay sheegato kooxda Al-shabaab oo dagaal kula jirta Ciidamadda shihseeye ee AMISOM iyo dawlada Somalia.

Inta baddan Somalia, waxa ka talisa Al-shabaab oo muddooyinkii u danbeeyay deegaamo baddan dib u qabsaday, isla markaana waxa jira weerarro dagaalo ay ku dhexmaraya deegaamo baddan ciidamada Somalia iyo kuwa AMISOM.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post