X

Muqdisho: Mucaaradka Oo Baajiyay Mudaharaadkii La Iclaamiyay Iyo  Ciidamo Xidhay Waddooyinka Goobta Loo Asteeyay

Midawga Murrashaxiinta Image File Araweelo News Network.

Araweelo News Network.

 

#Muqdisho: Mucaaradka Oo Baajiyay Mudaharaadkii Iyo  Ciidamo Xidhay Waddooyinka Goobta Loo Asteeyay

Muqdisho(ANN)-Kooxda Siyaasiyiinta ee la baxay Midawga Murrashaxiinta, ayaa dib u dhigay mudaharaad ay hore u shaaciyeen in laga dhigo magaalada Muqdisho maalinta Sabtida oo ku beegan Beri 6 March 2021.

Xasan Khayre iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo hoggaaminaya mudaharaaadka Muqdisho Image File Araweelo News Network 19 Feb 2021.

Afhayeenka kooxda oo ah Madaxweynii hore ee Soomaaliya, Sh. Shariif Sheekh Axmed, ayaa sheegay maanta in la baajiyay bannaan-bixii la iclaamiyay maalinta Sabtida.

Sababta, ayuu ku tilmaamay in ay tahay mid ka dhalatay xukuumadda oo sida uu sheegay ka baxday balamihii heshiiska, sidaa awgeed aan shacbiga amaankiisa lagu aamini karin

Waxa kale oo sabab looga dhigay in aan la qaban isu soo baxaa iyadoo ay jiraan duruufo caafimaad oo xannuunka COVID-19, sababay, sidaa awgeed waxay madashu dib u dhigtay mudaharaadka.

Balse ma sheegin xilli cayiman oo dib loogu dhigay, iyadoo arrintan kusoo begantay xilli ay xukuumaddu ciidamo geysay goobta Daljirka Dahsoon oo mucaaradku doonayeen in ay ku qabtaan isu soo baxa.

Gebi ahaanba waddooyinka gala taallada Daljirka dahsoon, ayaa waxaa lagu daadiyay ciidamo, kuwaas oo diiday in ay cid gasho halkaa, waxayna joojiyeen isu socodkii lugta iyo gaadiidka ee waddooyinkaa.

Xukuumadda Madaxweyne Farmaajo, ayaa hore ugu ballan qaaday mucaardka isu soo baxaa, waxayna sheegtay inay sugayso ammaanka dadka dibed baxaya.

Waxayna arrimahan kusoo beegmeen kaddib markii ay fashilmeen wadahadalo ay ku balansanaayeen xukuumadda iyo mucraadku, kuwaas oo aan qabsoomin.

 

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post