X

Muqdisho: Magcaabista Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Oo Wejigabax Ku Noqotay Madaxweyne Deni

Araweelo News Network.

Muqdisho(ANN)-Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magcaabay xilka ra’iisal wasaaraha oo si weyn loogu dheg-taagay muddooyinkan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud , ayaa u magcaanay xilkaa ra’iisal wasaaraha dawladda Federaalka ee Soomaaliya xildhibaan Xamse Cabdi Barre, sida lagu shaaciyay shir jaraa’id oo Arbacadii maanta lagu qabtay Madaxtooyadda Villa Somalia.

Ra’iisal wasaraha cusub ayaa dhankiisa uga mahad celiyay madaxweynaha xilkaa culus, wuxuuna sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay xilka loo magacaabay, isla markaana soo dhisi doono xukuumad tayo leh oo dalkana nabad ku soo dabaasha, sidoo kalena wax ka tarta amni xumada ka jirta dalka.

Dhinaca akle, Madaxweynaha maamul gobolleedka Puntland ee Soomaaliya Siciid Cabdullaahi Deni oo ku guuldaraystay taratnkii doorashada Madaxweynaha, ayaa si weyn u quudaraynayay in xilka ra’iisal wasaaraha dhinaca Puntland uu Madaxweyne Xasan Sheekh kasoo magcaabo, balse taas wuu ku guuldaraysaty, waxaana ra’iisal wasaaraha cusub uu kasoo jeeda dhinaca Jubaland ee maamulka Axmed Madoobe ee Kismaayo, wuxuuna noqonayaa ra’iisal wasaarihii ugu horeeyay ee ka yimaada deegaanka dawaldihii kala danbeeyay ee Soomaaliya, ama taariikhada fog ee dawladdihii hore ee Soomaaliya, wixii ka horeeyay burburkii 1991-kii.

Hase yeeshee, Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay inuu soo dhowaynayo ra’iisal wasaaraha cusub, wuxuuna qoraal koobban oo bartiisa Twitter-ka uu soo dhigay ku sheegay inuu hanbalyaynayo, isla markaana wuxuu Allah uga baryay in xilka loo igmaday Allaha u fududeeyo, balse weedhaha Siciid Deni ayaa loo fasirtay in ay yihiin is-daad raacin oo keliya.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post