X
    Categories: Warar

Muqdisho: Khasaaraha Weeraro Qaraxyo Darandoori Ah Oo La Curtay Sanadka Cusub

Araweelo News Network


Muqdishu(ANN)- Weeraro xooggan oo darandoori ah, isla markaana khasaare dhaliyay, ayaa maanta ka dhacay meel ku dhow garoonka diyaaradaha caalamiga magaalada Muqdisho.

Weerarada oo si talantaali ah loo fuliyay, ayaa lala beegsaday Hotel Peace oo ka mid ah meelaha ammaankooda sida weyn loo ilaaliyo, iyadoo dhismaha Huteelku kaabiga ku hayo Xerada Xalane ama halka loo yaqaan (Madiina Gate) oo ah albaabka garoonka diyaaradaha ee dhinca degmada Madiina.
Al Shabaab oo sheegtay masuuliyada weeraradaa, waxay sheegeen in qaraxa koowaad lala beegsaday bar koontarool oo ciidanka AMISOM iyo kuwa dowladda Federaalka ka ilaalinayeen Hoteelka kadibna la fuliyay qaraxa kale oo loo adeegsaday gaadhi xamuul ah oo walxaha qarxa lagasoo buuxiyay

War rasmi ah ee kasoo baxay Xarakada Al Shabaab, waxa lagu sheegay in weeraradaa oo ahaa istish-haadi lala beegsaday Hotel ay ku sugnaayeen saraakiil shisheeye sida ay baahisay Idaacadda Andalus ee ku hadasha Afka Al-shabaab.
Sida lagu sheegay warka Al-shabaab, waxay wadarta dhaawacyadii ka dhashay qaraxyadii maanta ku sheegeen inay gaadhayaan 44 qof, oo isugu jira ciidanka dowladda federaalka,kuwa AMISOM iyo shaqaalaha Qaramada Midoobay.

Qaraxa koowaad ayay ku tilmaameen mid laayay dhammaan ciidankii ammaanka ee ilaalinayay hoteelka kadibna ay sidaa ugu suurta gashay in dagaalyahankoodu gaadhi xambaarsanaa dhowr tan oo walxaha qarxa ah gudaha ula galay Hotelka kaasi oo sababay burbur baaxad leh.

Dhinaca kale Sarkaal u hadlay xafiiska Q.Midoobe ee Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in xubno katirsan howlwadeenadooda ay waxyeello kasoo gaadhay qaraxa, islamarkaana ay jireaan dhaawacyo ku hoos xaniban burburka.
Xilligii weerarku dhacayay waxaa Huteelka gudihiisa ku sugnaa mas’uuliyiin katirsan guddiga doorashooyinka, saraakiil caddaan ah oo dusha kala socday doorashooyinka Somalia, isla markaana ka socday Q.Midoobay iyo saraakiil katirsan Ururka Midowga Afrika, balse lama xaqiijin karo khasaaraha dhabta ah ee weeraradaa oo ahaa kuwo la curtay sanadka cusub ee 2017.
Hoteelka Peace ee lala beegsaday qaraxa, wuxuu ka mid yahay meelaha amaankooda sida weyn loo ilaaliyo, waxaana dhowaan uu marti geliyay shirkii ugu horreeyay oo madaxda Urur goboleedka IGAD ku yeesheen magaalada Muqdisho sanaddii 2016.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post