X
    Categories: Warar

Muqdisho: Al-shabaab Oo Weerar Toogasho ah Ka Fuliyay Garoonka Diyaaradaha Ee Adan Cade

Mogadishu(ANN)Dablay hubaysan, ayaa toogasho ku dilay Maareeye Xigeenkii Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ee Adan Cade Marxuum Maxamed Kediye iyo sadex qof oo qaarkood ahaayeen saraakiil ka tirsan maamulka Madaarka Adan Cade ee Muqdisho.
Wararka ayaa sheegay koox dablay ah oo aan tiradood la aqoonsan ay soo galeen garoonka, iyagoo wata gaadhi, isla markaana ku hubaysan qoryaha Electronic , kuwaas oo goobta loo yaqaan KM4 si badheedh ah ugu toogtay Sarkaalkaa iyo sadexda qof ee kale ee la socday oo ka mid ahaa shaqaalaha sare ee Madaarka.
Kooxda fulisay weerarka, ayaa goobtaa isaga baxsatay, iyadoo goobta toogashadu ka dhacday ka mid tahay meelaha ugu dadka baddan, isla markaana layaab ku noqotay bulshada sida weerarka noocan ah uga fulay madaarka dhexdiisa,waxaana sheegtay weerarkaa kooxda Al-shabaab.
Dhinaca kale Wasiirka Warfaafinta Dawlada Somalia Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, ayaa canbaareeyay falkaa, wuxuuna sheegay in Hay’addaha nabadgelyadu baadhayaan sida uu weerarka noocaas ah u suurta galay ee ay kooxda weerarka fulisay uga baxsadeen goobta, isagoo sheegay in sharciga la horgayn doono.
Al-shabaab, ayaa marar baddan weeraro sidan oo kale ah iyo kuwo ka awood baddan uga fuliya muqdisho, iyadoo xukuumadda Somalia dhowaan sheegtay inay wiiqday awooda kooxdaa, balse weerarda sidan oo kale ah, ayaa muujiyay in weli ay magaalada muqdisho tahay goob aan amaankeeda laysku halayn Karin oo ay weeraro sidan oo kale iyo kuwo ka xoog baddan ay kooxaha Al-shabaab ka fulin karaan.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com

Arraale Jama: Arraale Mohamoud Jama is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com + 252 63 442 5380 + 252 63 4764409 + 252 63 442 5380
Related Post