Araweelo News Network
qaraxmuqdisho1
Muqdisho(ANN)- Khasaare dhimasho iyo dhaawac, ayaa ka dhashay qarax iyo weerar wada socda oo koox ka tirsan Al-shabaab maanta ku qaadeen Huteelka Dayax ee Magaalada Muqdisho oo mid ka mid ah Hoteellada kaabiga ku haya wadada Makka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho oo ammaankeeda si adag loo ilaaliyo.

Dad ka badan 20 qof, ayaa ku dhintay qaraxaa oo ahaa laba gaadhi oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, waxaana ku dhaawacmay ku dhowaad 50 qof oo u badan dad shacab ah oo meherado ganacsi ku lahaa halkaa.

Saraakiisha Caafimaadka, ayaa xaqiijiyay dhaawacyada lasoo gaadhsiiyay in qaarkood dhinteen, isla markaana ay la tacaalayaan dhaawacyada lasoo gaadhsiiyay.

Saraakiisha Xukuumadda Soomaaliya, ayaa sheegtay in Al-shabaab ay u suurta geliwayday inay gudaha u galaan Huteelka oo sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya ay ku sugnaayeen Xildhibaano iyo masuuliyiin kale, isla markaana Afar nin oo doonayay inay gudaha u galaan Huteelka markii qaraxyadu dhaceen ay ku dhinteen halkaa, wuxuuna ku amaanay Ilaalada Huteelka difaaca ay sameeyeen.

Hase yeeshee war kasoo baxay Xarakada Al Shabaab, ayaa lagu sheegay in ciidamo aad u hubeysan oo ka tirsan Mujaahidiinta Al-shabaab ay u suurta gashay in ay gudaha ugalaan Hoteelka Dayax, isla markaana ku dileen saraakiil iyo masuuliyiin ka tirsan xukuumadda.