X

Muqadisho: Wer-werka Xaalladda Amniga Ee Sii Xumaanay Iyo  Kulan Arrimahaa Lagaga Hadlay

Shirka Nabadda ee Muqdisho, 28 Feb 2023, Image Araweelo News Network.

#Araweelo_News_Network.

Muqdisho(ANN)-Dawladda Federaalka ee Soomaaliya, ayaa muujisay wer-werka ay ka qabto xaalladda amniga iyo nabadda ee Soomaaliya.

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre oo daahfuray kulan lagaga hadlayay Mabaadii’da Nabadda ee Soomaaliya, ayaa sheegay in Adduunku ka wer-wersanyahay  arrmaha la xidhiidha sii jiritaanka nabadda ee Soomaaliya.

 Sidaa awgeed, wuxuu sheegay in ay  arrintan muhiim ka dhigayso in la helo xeerar sal adag oo lagu xakamaynayo cid walba oo wax yeelaysa nabadda adduunka.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa xusay in Soomaaliya ay ku socoto jidkii nabadda, horumarka iyo dib-u-soo kabashada, isla markaana ay muhiim tahay in la kobciyo hey’addaha dowliga ah, si bulshada loo gaadhsiiyo adeegyada ay u baahan yihiin ee xoojinaya nabadda.

Dhinaca kale, wuxuu Ra’iisal Wasaare Xamse xusay in dagaalka lagula jiro Kooxaha uu ku tilmaamay Khawaarijta ee ka soconaya dalka ay yihiin kuwo lagu raadinayo nabadda, isaga oo ugu baaqay dhallinyaro uu xusay in la  marin habaabiyay ay lamaga maarmaan tahay innay kasoo laabtaan argagixsada oo  ay kusoo laabtaan jidka saxda ah, isla markaana ka tanaasulaan afkaarta gurracan ee lagu daadinayo dhiigga ummadda Soomaaliyeed.

 qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed, ayuu ugu baqay innay ka shaqeeyaan nabadda iyo isu soo dhawaynta bulshada, kana fogaadaan wax walba oo dhaawaci kara nabadda ummadda.

Mar uu ka hadlayay macaamilka dalalka jaarka, wuxuu sheegay in dawladda Soomaaliya ay ka go’an tahay in dariskeeda kula noolaato nabad, balse taas bedelkeeda aannay aqbali doonin in lagu soo xadgudbo Qarannimada iyo jiritaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Dhinaca kale kulanka ayaa yimi laba maalood ka hor markii xukuumadda Biden ay muujisay walaac weyn oo laga qabto amniga iyo mustaqbalka Qaza, iyadoo tusaale usoo qaadatay Magaalada Muqdisho.kaddib markii dilal u muuqday kuwo qorshaysan oo ku waajahan dad kasoo jeeda Somaliland lagula kacay muwaadiniin u dhashay Somaliland, iyadoo dilka Marxuum Cabdinaasir Muuse Dahable oo ahaa khabiir dhinaca duulimaadyada Hawadda ee hagista diyaaraddaha qaabka loo fuliyay ku cusbaa dhaqanka Bulshada Soomaalida loo fuliyay qaab waxashnimo ah oo damiirku diidayo, waxaana Maydkiisa la keenay Hargeysa, iyadoo aas qaran oo loo sameeyay marxuumka ay ka qaybgaleen Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo masuuliyiinta kale ee gollayaasha qaranka.

Sidoo kale, Marxuum Axmed Cabdi Aadan oo hore u ahaa xildhibaan ka tirsan dawladda Federaalka ee Soomaaliya, ayaa maydkiisa la keenay Somaliland, iyadoo shalay aas qaran loogu sameeyay magaalada Hargeysa.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post