X
    Categories: Warar

Munaasibad Kulmisay Afar Orodyahanno Caalami Ah Oo U Dhashay Somaliland

Araweelo News Network

Addis ababa(ANN) Afar Orodyahanno Caalami ah oo u dhashay Somaliland, ayaa lagu maamuusay munaasbad casho sharaf ah oo safiirka Somaliland u fadhiya Ethiopia Ambasador Maxamuud Aadan Jaamac Galaal u sameeyey.

Orodyahannadaa oo heer caalami ah, isla markaana kasoo jeeda Somaliland, waxa munaasibada cashada loogu sameeyay ee ay ku kulmeen ku weheliyay Ambassador Maxamuud Aadan Jaamac Galaal xubo sida la sheegay ka mid ahaa wafti Somaliland uga qaybgalay shirka midowga Afrika ee maalmahan ka socoday xarunta midowga Afrika ee Addis Ababa.

Afarta Xubnood ee Orodyahanka Caalamiga ah, ayaa kala ah, Moh Farah, Jamac Karaaciin, Ayaanle saleeban iyo Ibraahin Aadan oo dhamaantood darejooyin caalami ah ka gaadhay Ciyaaraha fudud, gaar ahaan Orodka.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380 Send an SMS or MMS to + 252 63 476 4409

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post