X

Mujaahid Muuse Dhegaweyne: Halgamaa Door Ku Lahaa Halgankii Xorraynta Iyo Xorriyada Saxaafadda Somaliland

Araweeelo News Network.

Hargeysa(ANN)- Allah haw naxariistee, waxa galabta lagu aasay xabaalaha Bacqiiq ee Waqooyiga Magaalada Hargeysa, Marxuum Mujaahid Muuse Axmed Ibraahim (Dhagaweyne), oo dadka qaar u garanayeen “Camo”.

 

Sawirka dhinaca Midig waa Mujaahid Muuse Axmed Ibraahim (Dhagaweyne),oo la sawiran mujaahidiin kale.

Aaska marxuumka waxa ka qaybgalay masuuliyiin ka tirsan xukuumadda, ganacsato, culimo, qaar ka mid ah bahda warbaahinta  iyo dadweyne tiro baddan.

Marxuumka ayaa muddooyinkii u danbeeyay xannuunsanayay, ayaa xaaladdiisa caafimaad lagula tacaalayay Cusbitaalka Hargeysa.

Mujaahid Muuse, wuxuu kasoo qayb qaatay halgankii xoraynta iyo dib u dhiskii dalka, isagoo xilligii xukuumadii Madaxweyne sagaashanaadkii noqday Sarkaal Madaxtooyadda ka tirsan, isla markaana wuxuu door weyn ku lahaa geedigii saxaafadda xorta ah iyo xoriyatu qawlka ee xilliyadaa, wuxuuna ka mid ahaa shaqsiyaad kooban mar walba garab istaaga sidii ay saxaafadda Somaliland ee curdinka ahayd oo duruufo adag ku shaqaynaysay u noqon lahayd mid hanaqaada oo meel marta, taas oo maanta midhaheedii ka muuqdaan dalka.

 

Mujaahid Muuse Axmed Ibraahim (Dhagaweyne),

Marxuumka oo ahaa shaqsi dabeecad wanaagsan ixtiraam baddan, wuxuu ahaa shaqsi inta baddan xarrumaha warbaahinta iyo weriyayaasha ka hawlgala oo xilligaa ku shaqaynay duruufaha adag garab taagan, isla markaana ku guntada intii itaalkiisa ah mushkiladdaha soo waajaha, isagoo si naf-hurnimo ah uga hawlgeli jiray maarayntooda.

 

Dhinaca kale, Tafaftiraha Shebekaddaha Araweelo News Network, Carraale Maxamuud Jaamac iyo  dhammaan hawlwadeenada Araweelonews, waxay ka tacsiyaynaynaan Qoyskii, Ehelkii, asxaabtii iyo bulshada Somaliland geerida Marxuum Mujaahid Muuse Axmed Ibraahim (Dhagaweyne), waxayna Allah uga baryayaan denbidhaaf iyo inuu naxariistiisa ugu deeqo. Aamiin Aamiin Aamiin.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post