X
    Categories: Warar

Muj. Cali Guray Oo Laga Saaray Xisbiga UCID

Araweelo News Network
Hargeysa(ANN)Xisbiga Daryeelka iyo Cadaaladda ee UCID, ayaa shaaciyay in xubinimadii xisbiga laga saaray Muj. Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray).
sidaana waxa lagu sheegay qoraal caawa kasoo baxay guddida ansahaxa ee xisbiga UCID, oo uu ku saxeexanyahay guddoomiyaha guddida anshaxa Cabdiraxamaan Axmed.
Qoraalka ayaa lagu sheegay in Muj. Cali Guray digniin hore loo siiyay digniin, balse uu ku joogsan waayay digniintaa, isla markaana waxay guddidu ku sheegeen qoraalkooda in qodobka 8aad ee guddida anshaxa oo ka duulaya awooddaha xeerka Xisbigu siiyay sida uu qeexayo qodobka 35aad, waxay guddidu xubinimadii xisbiga ka qaaday Muj. Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray). ayaa lagu yidhi qoraalka.
Dhinaca kale qoraalkan, ayaa kusoo beegmay iyadoo xisbiga UCID, maalmihii u danbeeyay khilaafkoodu cirka isku shareeray, kaas oo sababay Muj. Cali Guray iyo saraakiil kale Guddoomiyaha Xisbiga Eng. Faysal Cali Waraabe sheegay inuu xilalkii ay hayeen ka qaaday, balse Cali Guray, ayaa ku dooday in aanu guddoomiyuhu awood u lahayn inuu xilkaa ka qaado, taas oo sii kordhisay murankii iyo khilaafkii hoggaanka Xsibiga UCID oo warbaahinta ay isu adeegsadeen maalmihii lasoo dhaafay.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post