X
    Categories: Warar

Mudanayaasha Guurtida Oo Ka Shoobareeyay Doodda Xeer Horyaala Golaha

Hargeysa(ANN)-Mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland, ayaa diiday fadhi la doonayay saaka in lagaga doodo Xeerka Ismaamulka gobollada iyo degmooyinka oo dhawaan Golaha Wakiilladu u soo gudbiyeen.


Fadhigoodii maanta oo Isniin ah ay ku yeesheen Mudanayashu xarunta Baarlamaanka ee magaalada Hargeysa, waxay ku diideen inay guda-galaan doodda xeerkaa, kadib markii shirgudoonku ku war geliyay furitaankii fadhiga.


Guddoomiyaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan oo fadhiga guddoominayey, ayaa soo jeediyey in la gudo-galo doodda Xeerka, balse waxa bilaabmay sawaxan iyo buuq, iyadooo Xildhibaannada qaarkood diideen in la bilaabo doodda xeerkaas, kuwaas ku doodday inaanay wakhti ku filan u helin naaqishaada iyo soo eegistiisa.


Hase yeeshee guddoomiye Saleebaan oo ka jawaabaya buuqa iyo qaylada qaarkood ku tiraabayeen mudanayaasha in aany soo akhriyin, ayaa sheegay in xili ku filan ay mudanayaashu haysteen, wuxuuna yidhi, “Xeerka muddo ku filan oo aad ku akhridaan waa haysateen, waana khasab in xeerka goluhu ka dooddo, wax-ka-bedel iyo kaabisba ku sameeyo, si uu xeerku u noqdo mid ummada anfaca, wixii khaldana laga saaro, wixii ka dhimmana lagu daro.”ayuu yidhi, Guddoomiyaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan.


Guddoomiyaha, ayaa markaa kadib Mudanayaasha ku war-geliyey in golahu maalinta Sabtida ee toddobaadka soo socda bilaabo doodda Xeerka, sidaasna uu fadhigu ku xidhan yahay.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post