X
    Categories: Warar

Mudaharaadyo Rabshada Wata Oo Khasaare Dhaliyay Magaalooyinka Burco Iyo Ceergaabo

Hargeysa(ANN)Dadweyne gedoodsan oo ka cadhaysan Mooshin la doonayay in xilka lagaga qaado Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda, isla markaana hogaamiya Xisbiga Mucaaradka ee WADDANI, Cabdiraxmaan Cirro oo lagu eedeeyay inuu wax ka bedel ku sameeyay xeerka Diiwaangelinta Medeniga ah ee dhowaan Golaha Wakiiladu u gudbiyay guurtida, balse muran iyo eedaymo lka dhasheen.
Mudaharaadka ka dhacay Magaalada Burco, waxa ku dhaawacmay hal qof oo Haween ah, waxaana ku dhaawacmay Afar qof oo kale, kuwaas oo ay Ciidamada Booliska is haleeleen.
Mudaharaadayaasha xarunta Gobolka Sanaag ee Ceergaabo, ayaan la sheegin inuu wax khasaare ah soo gaadhay, balse sida ay sheegayaan wararku waxa la bur-buriyay qaar ka mid ah Xafiisyada dawlada iyo Meherado ganacsi oo gaar loo leeyahay.
Booliska Magaalooyinka Ceergaabo iyo Burco, ayaa xabsiga u taxaabay qaar ka mid ah mudaharaadayaasha, kuwaas oo aan si dhab ah loo ogayn tiradooda.
Araweelo News Network
Somaliland Office
ifo@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post