X
    Categories: Warar

Mudaharaadayaasha Cimilada Dunida Oo Khal-khaliyay Duulimaadka London

Lahaanshaha sawirka LONDON CITY AIRPORT

London(ANN)- Xaalada amaanka Madaarka London City Airport, ayaa khal-khal la geliyay, kadib markii Nin ka mid ah mudaharaadayaasha ku fidaya Caalamka ee xoogeystay, kuwaas oo ka cadheysan isbaddalka cimilada adduunka ee sii xumaanaya.

Wariye ka tirsan BBC-da oo lagu magacaabo Nicholas Watt, ayaa sheegay in diyaaraddii uu la socday oo xiligaa garoonka London City Airport, Nin ka mid ah Rakaabka oo ka mid ahaa rakaabka Diyaarada uu kacay, kadibna diiday inuu fadhiisto, balse waxa ninkaa laga dejiyay Diyaarada, wuxuuna sidaa kaga hadhay duulimaadkii.

Dhinaca kale, ciidamada booliska ayaa dad badan xabsiga u taxaabay, kadib markii ay xidheen albaabka weyn ee laga soo galo garoonkaas, kuwaas oo qayb ka ah mudaharaadyada, isla markaana seexday dhulka afaafka hore ee Albaabka garoonka.

Sidoo kale degmada Westminster, mudaharaadeyaal teendhooyin sameystay ayaa laga kala eryay waddooyinka gala fagaaraha baarlamaanka.

Hase ahaatee, dhammaan jidadka gala xarunta baarlamaanka ayaa wali ka xdhan gaadiidka, marka laga reebo baaskiillada, waxaana ku wada sugan ciidamo boolis ah oo aad u farabadan.

Booliska ayaa qaaday qaar ka mid ah mudaharaadeyaasha Lahaanshaha sawirka Henry Nicholls/Reuters

Mudaharaadyada looga soo horjeedo Kulaylka cimilada ayaa galay maalintii saddexaad, cariga Ingiriiska, waxayna ka socdaan qeybaha kala duwan ee magaalada London iyo magaalooyin kale oo waaweyn oo ka tirsan caalamka.

Wariye Nicholas Watt, ayaa sheegay diyaaraddii uu la socday ee ka baxeysay London City Airport taas oo usii jeeday magaalada Dublin, iyadoo markii arrintan dhacday ay ku sugneyd cidhifka ugu dambeeya ee dhabaha ay diyaaradaha ku ordaan markii “nin si qurux badan u labisan” uu kursigiisa ka kacay ka dibna billaabay inuu diyaaradda ku dhex socdo, isagoo akhriyaya khudbad ku saabsan isbaddalka cimilada.

Shaqaalihii diyaaradda ayaa “si daggan oo akhlaaq leh” uga codsaday inuu fadhiisto, laakiin markii uu diiday ayey u qeyliyeen duuliyeyaashii, sida uu Watt ku sheegay qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka.

Wuxuu intaas sii raaciyay in markaas ka dib ay diyaaraddu dib ugu noqotay dhinicii albaabka, halkaasoo booliska ay uga soo dajiyeen ninkii mudaharaadaha ahaa, waxayna Rakaabka markii dambe dib u fuuleen diyaaradda, iyadoo duullimaadkaas labo saacadood dib uga dhacay wakhtigii loogu talagalay.

Qof mudaharaade ah ayaa fuulay dusha sare ee qeyb ka mid ah dhismeyaasha garoonka

Dibadbaxayaasha isbaddalka cimilada, ayaa isku dayayay inay garoonka diyaaradaha xidhaan muddo saddex maalmood ah, “sidii ka dhacday garoonka Hong Kong”.

Waxay ka cadheysan yihiin qorshe lagu ballaadhinayo garoonkaas ku yaalla bariga London oo ay ku baxeyso lacag dhan £2 bilyan oo gini.

Qaar ka mid ah dadkii duullimaadyada kale u socday, ayaa loo weecinayay albaabbo kale oo uu garoonka leeyahay, intii uu mudaharaadka socday, qof walbana waxaa la weydiinayay inuu muujiyo tigidhkiisa safarka.

Sarkaal hore uga tirsanaa booliska ka howlgali jiray magaalada oo lagu magacaabo John Curran ayaa ka mid ahaa dadkii la xidhay, ka dib markii uu damcay inuu xayiraad ka sameeyo meesha laga soo galo garoonka.

Afhayeen u hadlay maamulka London City Airport, ayaa sheegay in howlihii duullimaadka ay dib u hagaageen, wuxuu sheegay in saddexdii saacadood ee ugu horreysay saaka ay jireen 60 duullimaad oo isugu jiray kuwa dhoofay iyo kuwa soo degey.

“Waxaan sii wadi doonnaa inaan si dhow ula shaqeyno booliska magaalada, si loo xaqiijiyo habsami u socodka howlaha garoonka, oo hadda si caadi ah u furan”, ayuu kusii daray hadalkiisa.

Maamulka garoonka ayaa dadka rakaabka ah kula taliyay inay iska hubiyaan duullimaadyadooda, ka hor inta aanay u safrin.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post