X
    Categories: Warar

Mudaharaad Lagu Qaabilay Musharaxa Ku Suntan Cunsuriyada Ee Hoggaaminaya Xisbiga Jamhuuriga Ee Maraykanka

Araweelo News Network

Arizona(ANN)Boqolaal Dad ah oo sita boodhadh ay ku qoran yihiin halkudhegyo lagaga soo horjeedo musharaxa ku suntan cunsuriyada ee Milyandheerka ah Mr. Donald Trump oo hada hoggaaminaya murashixiinta xisbiga Jamhuuriga ee Maraykanka ayaa xidhay waddo weyn oo Arizona ku taalla .
Dadka isu soo baxay oo sitay Boodhadh ay kusoo qoreen “Diinimayno cunsuri” ayaa xidhay waddada xilli uu Mr. Donald Trump doonayay inuu u gudbo goob uu doonayay inuu kala hadlo taageerayaashiisa, halkaas oo uu isu soo bax ku qabanayay musharaxan.
Haseyeeshee Booliska, ayaa kala caydhiyay dadkaa oo furay dariiqa, waxayna xabsiga u taxaabeen ugu yaraan seddax qof oo lagu eedeeyay inay ahaayeen kuwii jidgooyada sameeyay.
sidoo kale Kumanaan qof oo kale ayaa ku mudaaharaaday musharaxa hoggaaminaya Jamhuriga Mr. Donald Trump, magaalada New York, meel u dhow dhismihiisa Trump Tower, waxayna ku qeylinayeen “Donald Trump la tag cunsuriyadaada, xaqiraadaada” iyo ereyo kale oo lamid ah.
Dibad baxayaashan waxa ay ka cadheysan yihiin aragtida dooda dhalisay ee Mr Trump uu aaminsan yahay, taas oo si weyn warbaahinta dunida iyo ta Maraykanka usoo jiidatay, isla markaana si weyn wax uga bedeshay xaraarada iyo xiisada loolanka is reeb reebka ee doorashada Maraykanka.

Mr. Donald Trump oo hadda hogaaminayaa musharrixiinta ku loolamaya xisbiga Jamhuuriga ee doonaya inay helaan magacaabista ay uga qeybgalayaan doorashada Maraykanka, waxa loolankiisa hadheeyay doodo sababay in xataa Xisbiga Jamhuurigu ku kala qaybsamo, balse wuxuu u muuqdaa nin weli haysta taageero, taas oo sababtay inuu noqdo ninka ugu horeeya ee hoggaaminaya musharixiinta Xisbiga.

Donald Trump, wuxuu waajahay dagaal siyaasadeed oo kaga imanaya dhinacyada loolanku ka dhexeeyo kuwo kale oo danaynaya siyaasada Maraykanka, sidoo kale burjuwaasiyiinta iyo maalqabeenada inta baddan siyaasadda Maraykanka shaxeeya, ayaa dagaal ku wadda musharaxa Donald Trump, taas oo khasab ka dhigtay inuu hadda laba jibaaro kullamada uu qabanayo, iyadoo ay jiraan iskudeyo lagu hor istaagayo oo ka socda guddaha xisbiga uu mayalka u hayo.

Follow us: @Araweelonews on Twitter | Arraale M Jama
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
WhatsApp + 252 63 442 5380 Send an SMS or MMS to + 252 659107347

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post