X
    Categories: Warar

Mucaaradka Somaliland Oo Ku Gacan Saydhay In Ay Aqbalaan Xeerar Khuseeya Saaxada Doorashada Madaxtooyadda

 

Araweelo News Network

Hargeysa (ANN)-Saraakiil ka socotay labada Xisbi Mucaarad ee Somaliland WADDANI Iyo UCID, ayaa ku gacan saydhay in ay qayb Ka noqdaan oo ay saxeexaan xeerka anshaxa saxaafada xiliga doorashada Madaxtooyadda ee 2017.

Saraakiisha Axsaabta Mucaaradka, ayaa sabab uga dhigay in ay diidaan kadib markii laga diiday in ay xubnaha gudida wax ku yeeshaan, iyagoo ku dooday in laga diiday in laba xubnood loogu daro.

sidoo kale waxay Saraakiisha labada Xisbi sheegeen in xeerka anshaxa saxaafada Iyo gudida la sameeyay iska maamushay Wasiirka Warfaafinta Somaliland. Sidaa awgeed aanay aqbalayn xeerka anshaxa saxaafada ee doorashada Madaxtooyadda Somaliland iyo xeerka anshaxa Axsaabta oo ay sheegeen in ay lifaaq raaciyeeen ay ku dalbanayaan in Madaxweynuhu soo saaro Digreetooyinka loo baahan yahay ee khuseeya arrimaha doorashada, balse waxay ku doodeen in lifaaqooda  la tuuray.

Masuulyiinta xisbiyada mucaaridka Somaliland ee UCID Iyo WADDANI,  ayaa sidoo kale ku dooday in Cadaadis  Iyo culays aan loo baahnayn la saaray Komishanka doorashooyinka qaranka.

Xeerkaa waxa ka horreeya in Madaxweynuhu soo saaro wareegtooyin xiliga kala guurka ee doorashooyinka oo la xidhiidha Ciidamada Qaranka, Shaqaalaha Dawladda iyo Hantida Qaranka in aan loo adeegsan doorashada lama soo saarin mana aqbalayno ilaa laga soo saarayo wareegtooyinkaa, isla markaana Komishanku dhegaysanayo cabashada axsaabta mucaardka.

Sidaa awgeed waxay ugu baaqeen Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo inuu dhegeysto baaqooda oo soo saaro Digreetooyinkaa si doorashadu u noqoto mid aanay xukuumaddu fara gelin ugu samayn oo saaxad nadiif ah loogu tartamo.

 

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post