X
    Categories: Warar

Mucaaradka Somaliland Iyo Siyaasiyiinta Madasha Oo Mawaaqif Kala Duwan Ka Istaagay Shirka Madaxweyne Biixi Iyo Farmaajo Ee Djibouti

Guddoomiye Faysal iyo Cabdirisaaq Khaliif Axmed

Hargeysa(ANN)-Labada Xisbi mucaarad ee Somaliland UCID iyo WADDANI, ayaa mawaaqif kala duwan ka istaagay kulanka Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ee maalinta beri Axadda 14 Jun 2020, ka dhacaya dalka Djibouti oo uu martigeliyay Madaxweynaha dalkaa Imaaciil Cumar Geelle.

 

Guddoomiyaha Xisbiga mucaardka ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe oo ka hadlay mawqifka xisbi ahaan ee kulankaa, ayaa Madaxweyne Biixi ku eedeeyay inuu dhaafay khadka cagaaran ee Somaliland, isla markaana wuxuu sheegay in aannay habboonayn in xilligan ay Somaliland in ay hor-fadhiisato Soomaaliya, isagoo si cad u sheegay inuu kasoo horjeedo kulankaa.

Eng. Faysal, wuxuu shuruud uga dhigay kulan ay Somaliland la yeelato Soomaaliya in marka horre looga baahan yahay Soomaaliya inay fuliso heshiisyadii hore ay labada daraf u wada galeen, kuwaas oo uu xusay inay dhinaca Soomaaliya ay ka socon waayeen.

Guddoomiyaha UCID, Feysal ayaa ku tilmaamay kulankaa mid dowladda Soomaaliya ee Villa Somalia ee Farmaajo iyo xulafadiisa caalamiga ah ay u adeegsanayaan munaasabad been ah oo doonayaan inay ku xoojinayaan sumcadda sii xumaaynaysa ee Madaxweyne Farmaajo oo muddo ka yar Lix bilood ay ka hadhay doorashada madaxweynaha ee ay ku guuldaraysteen kooxda Farmaajo.

Dhinaca kale, Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo ka tirsan Guddida Fulinta ee Xisbiga WADDANI, ayaa ka hadlay mawqifkooda xisbi ahaan kulankaa, wuxuuna sheegay in Madaxweynuhu warbixin ka siiyay kulanka uu la yeelan doono Farmaajo, isla markaana talooyin wixii ay hayeen siiyeen, sidaa awgeed ay ka warsugi doonaan natiijada kasoo baxda marka uu soo dhammaado kulanka Djibouti ee Madaxweynaha Somaliland iyo Madaxweynaha Soomaaliya.

AKHRI: Madaxweynaha Djibouti Oo Ka Hadlay Kulanka Madaxweyne Biixi Iyo Farmaajo Ee Dalkiisa, Doorka Abiy Ee Ethiopia Iyo Duruufaha Ku Xeeran

Kulanka labada Madaxweyne oo beri ka dhacaya Djibouti, waxa sidoo kale ka hadlay kooxda la baxday Madasha oo ah siyaasiyiin, waxayna si weyn u diideen qorshaha shirkaa ay wadaan Djibouti iyo Ethiopia, iyagoo ku tilmaamay shirka Djibouti ee ay wadaan Madaxweyne Geelle, Ra’iisal Wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed iyo Farmaajo, Madaxweynaha Soomaaliya inuu yahay mid af-duub ah oo lagu af-duubayo qaranimada Somaliland.

 

 

 

 

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post