X

Mucaaradka Oo Ka Halday Kulanka Danneeyayaasha Dimuqraadiyada Iyo Qoraal Madaxweynaha Loo Diray

Wefdiga ka socday danneeyayaasha geedi socodka Dimuqraadiyada Somaliland iyo masuuliyiinta labada Xisbi Mucaarad ee WADDANI iyo UCID Hargeysa 26 Jan 2022, Image Araweelo News Network.

Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Masuuliyiinta Labada Xisbi Mucaarad ee WADDANI iyo UCID, ayaa sheegay in ayaa la kulmay Xubnaha ka socday dalalka Somaliland ka taageera geedi socodka dimuqraaddiyadda iyo horumarka.

Dublamaasiyiinta ka socda dallada Midawga Yurub, Ingiriiska, Sweden, Norway, Finland, Denmark iyo Germany oo shalay booqasho ku yimi Somaliland, ayaa kulamo la yeeshay Guddida Doorashooyinka iyo dhinacyada arrimaha doorashooyinka.

Kooxda wefdiga ee ka socday dalalka taageera dimuqraadiyadda Somaliland, waxay kulan Albaabada loo xidhay oo aannay saxaafadu goob joog ka ahayn maanta la yeesheen madaxda Xisbiyada mucaaradka kaga wada hadleen xaaladda siyaasadda Somaliland, sii xoojinta geeddi-socodka dimuquraaddiyadda Somaliland.

Masuuliyiinta Axsaabta Mucaaradka ee kulanka ka qaybagalay, ayaa warbaahinta u sheegay in arrimaha lagaga hadlay kulanka ay ka mid ahaayeen qaabklii doorashooyinka qorshaysan ee Somaliland u qabsoomi lahaayeen inta aannu dhammaan sannadkan 2022.

Xoghayaha Guud ee Xisbiga ugu weyn mucaaradka WADDANI, Khadar Xuseen Cabdullaahi oo warbaahinta lahadlay kulankaa kaddib, ayaa sheegay in arrimaha lagaga hadlay ay ugu waaweynaayeen saddexdii doorasho ee Guurtida, Madaxtooyadda iyo Ururrada in loo baahanyahay in wixii ka qabyo ah la dhammaystiro.

“waxaan u sheegnay in labada Xisbi ee Mucaaradku diyaar u yihiin sidii doorashooyinka kusoo waajahan Somaliland ay uga qaybgeli lahaayeen, waa saddex doorasho oo qorshaysan in ay sannadkan dhacaan, mana aha xilliga la qabanayaa wax cid gaar ah ay doonayso, waxaase muddeeyay oo qeexay sharciga.” ayuu yidhi.

Xoghayaha, WADDANI, ayaa sheegay in doorashada Madaxtooyadda aannay waxba ku xidhnayn, balse wuxuu xusay in doorashooyinka Guurtida iyo Ururradu ay qabyo yihiin xagga Xeerarka lagu gelayo,

“Guurtida xeerkii lagu dooran lahaa ma yaal oo diyaar maaha, waxaan ku talinay in laga wada hadlo, sidoo kale Xeer 14 2011, wuxuu u baahanyahay wax-ka-bedel iyo kaabis, sababtoo ah Maxkamaddu waxay ka saartay Xeer 14/2011, in Ururradu ku tartamaan gollayaasha deegaanka, markaa sidii arrimahaa looga hawgeli lahaa ee laysaga iman lahaa, ayaanu ka wada hadlanay .”

Dhinaca kale, wuxuu sheegay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi u gudbiyeen shalay qoraal ay waddajir labada Xisbi u qoreen oo ay qaabka arrimaha qabyada ee Xeerarka doorashooyinka Guurtida iyo Ururrada ee qabyada ah looga wada hadli lahaa, isla markaana doorashada Madaxtooyadda oo xeerkeedii, dhaqaalaheedii iyo qorshe hawleedkii guddida doorashooyinku diyaar yahay loo geli lahaa.

“waa in layska daayo buuqa iyo qaylada oo laga shaqeeyo sidii dalka arrimihiisa looga shaqayn lahaa ee doorashooyinka looga wada hadli lahaa.” ayuu yidhi, Xoghayaha Guud ee Xisbiga WADDANI.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post