X
    Categories: Warar

Mucaaradka Oo Ka Dhabeeyay In Aanay La Kulmayn Madaxweyne Biixi Iyo Faysal Oo U Duulay Kenya

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe, 10 Dec 2019, Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Xisbiyada Mucaaradka Somaliland ee UCID iyo WADDANI, ayaa ku gacansaydhay dalab Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ugu baaqay oo ahaa in Axsaabta Qaranka Somaliland ay u yimaadaan kulan deg-deg si loo xaliyo khilaafka ka taagan arrimaha doorashooyinka Somaliland.


Madaxwaynaha Somaliland oo todobaadkii hore ka dhawaajiyay inuu Hoggaamiyayaasha Labada Xisbi Mucaarad ku casuumayo Madaxtooyadda, ayaa qoraal uu udiray xisbiyada mucaridka ah si ay kulankaa uga soo xaadiraan maanta oo madaxtooyadda ugu yimaadaan si ay uga wada hadlaan muranka ka taagan komishanka, balse kulanakaa ayaa gebi ahaanba baaqday.


Hoggaamiyayaasha Xisbiyada Mucaaradka Somaliland ee UCID iyo WADDANI, ayaa si wadajir ah ugu gacansaydhay dalabka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, todobaadkii hore, waxayna isla maalintii uu Madaxweyne Biixi sheegay kulanakaa si wadajir ah u shaaciyeen in aanay kasoo qaygelayn.

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa maanta oo Sabti ah oo ku beegnayd xilliga la balamay u dhoofay dalka Kenya, iyadoo aan si cad loo ogayn ujeedada safarkiisa, balse waxa lala xidhiidhay uu kaga muquuranayo kulanka iyo casuumada Madaxweyne Biixi.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Labada Xisbi mucaarad, kadib diidmadii ay todobaadkii hore diideen casuumada Madaxweynaha, isla markaana dhinaca Madaxtooyadda Somaliland ayaan wax war ah kasoo saarin wararka sheegaya in Xisbiyada Mucaaradku ku adkaysteen mawqifkoodii sidaana kaga istaageen kulankaa.

AKHRI: Xisbiyada Mucaaradka Somaliland Oo Ku Gacan-saydhay Dalabka Madaxweyne Biixi
Dhinaca kale, Ergo ku jirtay dhex-dhexaadinta arrintaa, isla markaana ku hawlanaa mudoooyinkan sidii khilaafka xal loogu heli lahaa ayaan wax jawaab ah laga hayn, kuwaas oo labada Xisbi mucaarad dhowaan shegeen inay ku go’aan qaadanayaan waxa ay kala soo noqdaan Madaxweyne Biixi oo aan ilaa hada la hubin inay la kulmeen.

AKHRI: Madaxweyne Bixii Oo Kulan Deg-deg Ah Ugu Baaqay Axsaabta Mucaaradka

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post