X
    Categories: Warar

Mucaaradka Kenya Oo Ugu Baaqay Xukuumadda Inay Ciidankeeda kala Baxdo Somalia

Nairobi(ANN)Raysal wasaarihii hore ee Kenya Raila Odinga oo waqtigan hoggaamiya Isbahaysiga mucaaridka ah ee Kenya, ayaa dawladooda ugu baaqay in ciidanka Kenya laga saaro gudaha dalka Soomaaliya si looga hortago weerarada  aargudashada ah ee kooxda Al-shabaab ku fuliso degaannada Kenya sababay dhiiga muwaadiniinta in la daadiyo.

Mr. Raila Odinga oo hoggaamiya  Isbahaysiga Mucaaradka Kenya ee  ODM, wuxuu sidaa ka sheegay mar uu  saxaafadda la hadlay maanta, waxa uu sheegay in la qaado tallaado si degdeg ah ciidanka Kenya looga saarayo gudaha Soomaaliya, isagoo xusay in aanay arrintaasi wax ceeb ah ku noqon doonin Kenya, maadaama dalka Maraykanku sidan oo kale ciidankiisa ugala baxay Soomaaliya sannadkii 1993-kii, xilligaas oo uu Muqdisho ka dhacay dagaalkii loogu magac-daray Black Hawk Down, taas oo Maraykanka ku khasabtay inay ciidamadooda kala baxaan. kadib marki  ay ku waayeen 18 askari oo ciidamadooda ka mid ahaa.

“Mareykanka ciidammo baddan ayaa ka joogay Soomaaliya, laakiin way kala baxeen. Sidoo kale Kenya waxa la gudboon inay ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya, taasina wax ceeb ah ku noqon mayso Kenya, waana in laga fikiro sidii loo qaadi lahaa tallaabadaas oo xasilloonida iyo amniga Kenya ku jiro,” ayuu yidhi Mr. Raila Odinga oo Ra’iisal-wasaare ahaa markii Kenya u dirtay ciidankeeda gudaha Soomaaliya sannadkii 2011 si ay ula dagaalayaan Al-shabaab.

Hasayeeshee, dagaalyannada Al-shabaab, ayaa ilaa xilligaas qaaday weeraro iyo hawlgalo ay ka fuliyeen gudaha dalka Kenya, iyadoo labadii sanno ee u dambeeyey weeraradaas lagu dilay in ka badan 400 reer Kenya, kuwaasoo uu ugu dambeeyey weerarkii lagu qaaday Jaamacadda Garisa oo ay ku dhinteen dad ka badan 150 qof.

Sida lagu baahiyey wakaaladaha wararka ee caalamka, dawladda Kenya, ayaa caddaadis xooggan kala kulmaysa mucaaridka iyo dadweynaha dalkeeda, kuwaasoo ugu baaqay inay ciidankooda kala baxdo Soomaaliya, isla markaana laga shaqeeyo sidii loo ilaalin lahaa amniga muwaaddiniinta reer Kenya.

Dhinaca kale, dawladda Kenya, sheegatay inay weeraro dhinaca cirka ah ka fuliyeen degaanno ku yaal Gobolka Gedo ee dalka Soomaaliya, halkaasoo ay tilmaameen in lagu burburiyey xeryo iyo saldhigyo ururka Al-shabaab leeyahay.

Afhayeenka ciidanka difaaca ee dalka Kenya Col. David Obonyo, ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Reuters in diyaaradahooga dagaalku burburiyeen saldhigyo Al-shabaab ku leeyihiin degaanno u dhaw xadka u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya, balse waxa arrintaas beeniyey ururka Al-shabaab.

“Ma jirto haba yaraatee saldhigyo aannu leenahay oo diyaaradaha Kenya duqeeyeen, balse waxa gantaaladoodu ku dhaceen dhul-beereed ku yaal xadka,” Sidaa waxa yidhi Afhayeenka dhinaca hawlgalada ee Ururka Al-shabaab oo lagu magacaabo Sheekh Cabdicasiis Abu Muscab.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post