Araweelo News Network

Democratic Party of Kenya Secretary-General Jacob Haji

Democratic Party of Kenya Secretary-General Jacob Haji


Nairobi(ANN)- Dhawaaqyo kasoo baxay Siyaasiyiinta Mucaaradka Dalka Kenya iyo Xildhibaanno ka tirsan Axsaabta siyaasadda ayaa ugu baaqay Xukuumadda in ciidamadooda laga soo saaro dalka Soomaaliya.

Dhawaaqyadaa, ayaa soo baxay maalmo yar kaddib markii uu dhacay weerar khasaare dhaliyay oo Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay ku qaaday xeradii ciidamada Milateriga Kenya ee deegaanka Kulbiyow.

Jocob Hajji oo ah Xogayaha guud ee Xisbiga Dimuquraadiga ee dalka Kenya ayaa war saxaafadeed uu soo saaray madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta kaga dalbaday in si deg deg ah ciidamadooda looga soo saaro Soomaaliya, Isagoo tilmaamay in tobaneeyo askartooda ka mid ah ay ku waayeen weerarkii ugu dambeeyey ee ka dhacay Kulbiyow.

Wuxuu War saxaafadeedkiisa ku tilmaamay in weerarkii ugu dambeeyey uu argigixiyey dad badan oo Kenyan ah, isla markaana uu keenay in shaki iyo su’aallo la geliyo awoodda ciidamada Kenya u leeyihiin in ay sii wataan howlgalkooda Militari iyo dagaalka ay kaga jiraan Soomaaliya ee ay ku beegsanayaan Al-shabaab.

“Dadka Kenyaanku wey ka daaleen wararka ku saabsan dhimashada ee Askartooda kasoo gaadhaysa weerarada ay kala kulmayaan argigixisada ee ku qabsanaya wadan aanay iyagu lahayn” ayuu yidhi Jocob, isagoo sheegay in ay lagama maarmaan tahay in dib u eegis lagu sameeyo sii joogitaanka ciidamada Kenya ee Soomaaliya.

Sidoo kale Siyaasiga caanka ah ee lagu magacaabo Wycliffe Oparanya, ayaa ku baaqay in ciidamadooda laga soo saaro Soomaaliya, Isagoo sheegay in hadda la joogo waqtigii ciidamadooda laga soo daadgureyn lahaa Soomaaliya, Wuxuu sheegay in Kenya ay weyday Askar badan tan iyo markii uu bilowday duulaankii ay ciidankooda ku galeen Soomaaliya.

“Waxaan taageerayaa in ciidamadeena laga soo saaro Soomaaliya. Askar badan ayaan ku weynay dagaalada ka socda Soomaaliya, mana dooneyno in arrintan ay sii socoto” ayuu yidhi. Wuxuuna dowlada Kenya ka dalbaday in ay diyaariso istaraatiijiyad ciidanka looga soo saarayo Soomaaliya.

Dhinaca kale Ra’iisal Wasaarihii hore ee Dalka Kenya, isla markaana ah hoggaamiyaha mucaaradka Mr. Raila Odhinga, ayaa taageeray dalabkaa, wuxuuna sheegay in qorshahan ay ku cadaadin doonaan Xukuumada Kenya.

Sidoo kale Xildhibaanka lagu magacaabo Benjamin Washiali oo isna laga soo doorto magaalada Mumias ee galbeedka dalka Kenya ayaa Raila Odhinga iyo mucaaradkaba ka dalbaday in ay xildhibaanadooda ay ka dhaadhiciyaan sidii arrintan lagu hor keeni lahaa Baarlamaanka, go’aana looga gaadhi lahaa.

“Go’aankii lagu ansixinayey in Ciidamo loo diro Soomaaliya waxaa meelmariyey Baarlamaanka dalka Kenya, Sidaas darteed mucaaradku waa in uu hadda xubnaha kaga jira Baarlamaanka ka dhaadhiciyaa sidii Baarlamaanka loo hor keeni lahaa qorshaha ah in ciidankeena aan ka soo saarno Soomaaliya, go’aanku ma aha talaabo uu qof kaliya qaadi karo” ayuu yidhi Xildhibaan Benjamin Washiali.
Mucaaradka Dalka Kenya, ayaa marar badan ugu baaqay Xukuumadda in ay ciidamadeeda kasoo qaadato wadanka Soomaaliya, kaddib weeraro khasaare loogu geystay Ciidamadda Kenya, balse dhawaaqyada mucaaradka ayaa noqda kuwo aan melena gaadhin.