Araweelo News Network

Kulankamadaxdamidawgaafrika
Addis Ababa (ANN)Madaxda Afrika, ayaa kullankoodii 26-naad ee Ururka Midowga Afrika oo ay ku yeesheen Magaalada Caasimada ah ee Addis Ababa isku qaabilay jawi ka duwan kii looga bartay hoggaamiyayaasha Afrika marka ay sidan oo kale isugu yimaadaan.
Weedho kulul iyo doodo xanbaarsan canaan, ayaa shirka shucuurtiisa bedelay. kadib markii Hoggaamiyaha Halgamayaashii Afrika kasii nool ee caanka ku ah inuu ku faano Afrikaanimada iyo Cadaawada reer galbeedka Mr. Robert Mugabe oo ah Madaxweynaha Dalka Zimbabwe madasha ka jeediyay weedho uu ku weeraray Qaramada Midoobay, Golaha Amaanka iyo siyaasada reer galbeedka ee ku waajahan Afrika.

Mugabe waxa uu sheegay in sinaan la’aan iyo cadaaladdaro ay ka jirto gollaha ammaanka ee Qaramada Midoobeey, balse waxa uu sheegay haddii ay Afrika tashato in ay isaga bixi karto ka mid ahaanshaha Qaramada Midoobay ( UN). wuxuu sheegay Mugabi in ay codsadeen sidii ay xubin joogta ah uga heli lahaayeen Qaramada Midoobay goleheeda amaanka, balse loo diiday, taas oo uu ku tilmaamay mid aanay aqblai karin.

Madaxweynaha Zimbabwe Mr. Mugabe oo wareejiyey xilka guddoominaya nimada midowga Afrika ayaa waxa uu ku celceliyey in loo baahanyahay in laga shaqeeeyo cadaaladda iyo sinaanta, wuxuuna Hoggaamiyayaasha Afrika ee kulanka ka qaybgalay ku dhaliilay sida aanay danta dalalkooda iyo maslaxada Afrika iyo shucuubtooda uga shaqayn, isagoo xusay in faragelin qaawan ay reer galbeedka ku hayaan wadamada Afrika.

xoghayaha guud ee Qaramada Midoobeey, Ban Ki-moon oo kulanka ka hadlay, ayaa ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay in madaxda Afrika inay ixtiraamaan mudada dastuurka u ogolyahay in ay xilka hayaan.

Ban ki moon oo khudbadiisi ugu dambaysay ka jeediyey kulanka midowga Afrika, wuxuu xusay in 17 waddan oo Afrika ah sanadkan ay ka dhici doonto doorasho, wuxuuna Madaxda Afrika ku booriyey in hoggaamiyaashoodu ilaaliyaan dastuurka oo aanay dl-dalooda jira u adeegsan in ay wadamadooda ka dhaliyaan rabshado, iyadoo ay sababto rabshadaha xukunka ay isku dhejiyaan.

Dhawaaqa Ban ki Moon ka jeediyay shirka Madaxda Midawga Afrika, ayaa kusoo beegmay, iyadoo ay isa soo taryaan qalalaasaha xukun jacaylka ka dhashay ee dalalka Burundi oo ka mid ah wadmada arrimahooda la falanqeynayo shirka, iyadoo mushkilada ka taagan ay ka dhalatay Madaxweynaha dalkaa oo isu soo sharaxay xilka Madaxweyananimo mar sadexaad, taas oo sababtay in ay rabshado ka dhacan dalkaasi, isla markaana Madaxweynaha Burundi oo aan shirka kasoo qayb gelin ayaa ku gacan saydhay in Ciidamo nabad ilaalin ah loo diro dalkiisa.

sidoo kale Dalka South Sudan oo ka mid ah dalalka arrima ka taagan ee dhibaatooyinka hadheeyay lagaga hadlayo shirka, ayaa ka mid ah dalalka hadalka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay hadalkiisu tusaalaha ugu yahay Afrika iyo Hoggaamiyayaasha xukunka jecel, waxaana khilaaf Madaxweynaha iyo Ku xigeenkiisa kala irdheeyay sababay sanado ka hor bur-bur iyo colaado hadheeyay dalka yar ee Curdinka ahaa ee Jubba oo ka go’ay Soodaan, iyadoo Colaadda ka dhalatay khilaafka Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisu sababtay dhimasho iyo bara kac kumanaan qoys ah.

Si kastaba ha ahaatee kulnaka Madaxda Afrika ayaa Guddoomiyaha Ururka Midawga Afrika loogu doorayanaa Madaxweynaha Dalka Chad Idris Deb 2016, wuxuuna xilka kala wareegay madaxaweynaha Zimbabwe Robert Mugabe oo ah halgamaa siyaasada dalalka reer galbeedka si weyn u canbaareeya.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380 Send an SMS or MMS to + 252 63 476 4409