X

Moscow: Vladimir Putin Oo Raaligelin Bixiyay

Araweelo News Network.

Moscow(ANN)-Madaxweyne Vladimir Putin, ayaa bixiyay raaligelin uu kaga jawaabayo weedhihii sida weyn warbaahinta u qabsaday maalmihii u danbeeyay ee laga soo xigay wasiirkii arrimaha Dibadda Sergey Lavrov.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin oo ku hadlaya teleefoon, Image file Araweelo News Network, May 6 2022.

Warraysi uu siiyay Telefishinka Talyaaniga Zona Bianca Axaddii, Lavrov, wuxuu kaga hadlay arrimo baddan oo la xidhiidha xaaladda dagaalka Ukraine, taageerada reer galbeedka iyo waxyaabo kale oo qayb ka ah dagaalka, balse mar uu doonayay inuu ka jawaabo dhaleecaynta Ukraine ee ay  Aqalka Kremlin ugu yeedho Naazigii Jarmalka ee hoggaamiyihii dagaalkii labaad ee aduunka Adolf Hitler , balse lavrov ayaa yidhi “Odlof Hitler, wuxuu lahaa dhiig Yahuud.” Sergey Lavrov

Related: Israel has reacted angrily to Russian Foreign Minister Sergei Lavrov

Xukuumadda Yuhuuda ee Israel ayaa markiiba ka cadhootay hadalka wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka, waxayna u yeedhay safiirka Ruushka, iyadoo ka dalbatay in Moscow ay raali gelin ka bixiso hadalkaa, isla markaana ra’iisal wasaaraha Israel Naftali Bennet, ayaa ku tilmaamay hadalkaa mid been ah, taas oo xiisad diblamaasiyadeed ka dhex abuurtay labada dal.

Hase yeeshee Ra’iisul wasaaraha Israa’iil ayaa sheegay Khamiistii in Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu raalligelin ka bixiyay hadalkii kasoo yeedhay wasiirkiisa arrimaha dibadda, kaasoo sheegay in Adolf Hitler uu leeyahaa “dhiigga Yuhuudda”.

Ra’iisal wasaaraha Israel Naftali Bennet ayaa sheegay in Putin uu raali -gelintaa bixiyay mar uu khadka Taleefoon kula hadlayay.

Inkasta oo hadalka Lavrov oo si weyn uga cadhaysiiyay Yuhuuda, balse waxa xaqiiq aan dafrikarin ah in Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Oleksandrovych Zelenskyy uu asal ahaan ka soo jeedo Yuhuudda, wallow Sergei Lavrov ka jawaabayay sawirka Ukraine ee Ruushka oo Naazi ah.

Sidoo kale, waxa xusid muddan in ra’iisal wasaaraha Israel Naftali Bennet uu asal ahaan ka soo jeedo Yahuudda Ukraine.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post