Araweelo News Network.
Moscow(ANN)-Madaxweyne Vladimir Putin, ayaa bixiyay raaligelin uu kaga jawaabayo weedhihii sida weyn warbaahinta u qabsaday maalmihii u danbeeyay ee laga soo xigay wasiirkii arrimaha Dibadda Sergey Lavrov.
Warraysi uu siiyay Telefishinka Talyaaniga Zona Bianca Axaddii, Lavrov, wuxuu kaga hadlay arrimo baddan oo la xidhiidha xaaladda dagaalka Ukraine, taageerada reer galbeedka iyo waxyaabo kale oo qayb ka ah dagaalka, balse mar uu doonayay inuu ka jawaabo dhaleecaynta Ukraine ee ay Aqalka Kremlin ugu yeedho Naazigii Jarmalka ee hoggaamiyihii dagaalkii labaad ee aduunka Adolf Hitler , balse lavrov ayaa yidhi “Odlof Hitler, wuxuu lahaa dhiig Yahuud.” Sergey Lavrov
Related: Israel has reacted angrily to Russian Foreign Minister Sergei Lavrov
Xukuumadda Yuhuuda ee Israel ayaa markiiba ka cadhootay hadalka wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka, waxayna u yeedhay safiirka Ruushka, iyadoo ka dalbatay in Moscow ay raali gelin ka bixiso hadalkaa, isla markaana ra’iisal wasaaraha Israel Naftali Bennet, ayaa ku tilmaamay hadalkaa mid been ah, taas oo xiisad diblamaasiyadeed ka dhex abuurtay labada dal.
Hase yeeshee Ra’iisul wasaaraha Israa’iil ayaa sheegay Khamiistii in Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu raalligelin ka bixiyay hadalkii kasoo yeedhay wasiirkiisa arrimaha dibadda, kaasoo sheegay in Adolf Hitler uu leeyahaa “dhiigga Yuhuudda”.
Ra’iisal wasaaraha Israel Naftali Bennet ayaa sheegay in Putin uu raali -gelintaa bixiyay mar uu khadka Taleefoon kula hadlayay.
Inkasta oo hadalka Lavrov oo si weyn uga cadhaysiiyay Yuhuuda, balse waxa xaqiiq aan dafrikarin ah in Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Oleksandrovych Zelenskyy uu asal ahaan ka soo jeedo Yuhuudda, wallow Sergei Lavrov ka jawaabayay sawirka Ukraine ee Ruushka oo Naazi ah.
Sidoo kale, waxa xusid muddan in ra’iisal wasaaraha Israel Naftali Bennet uu asal ahaan ka soo jeedo Yahuudda Ukraine.
Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.
Published by Araweelo News Network.
Follow us Twitter@Araweelonews
Facebook@AraweeloNews
By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.
Araweelo News Network.
info@araweelonews.com