X

Ruushka Oo Xabsiga Ku Gurtay Dad Loo Haysto Qaraxii Biriijka Xidhiidhiya Moscow iyo Crimea

Araweelo News Network.

Moscow(ANN)-Saraakiisha Hay’adda Adeegga Amniga Federaalka ee Ruushka (FSB) ayaa sheegtay in Agaasinka Sirdoonka ee Wasaaradda Difaaca Ukraine, iyo agaasimeheeda Kyrylo Budanov, ay ka dambeeyay qaraxii Sabtidii ka dhacay Biriishka weyn ee Kerch, kaas oo isku xidha Ruushka iyo Crimea.

Laxidhiidha: Buunadada Ruushka Ku Xidha Crimea Oo La Gooyay

Saraakiisha FSB ayaa sheegtay Arbacadii in ay u xidh-xidheen shan qof oo Ruush ah iyo saddex muwaadin oo u kala dhashay dalalka Ukrain iyo Armenia, kuwaas oo loo haysto qarixii khasaaraha baaxadda leh ee ka soo gaadhay Biriishka Kerch ee isku xidha Ruushka iyo Crimea.

Hase yeeshee Afhayeen u hadlay wasiirka arrimaha guddaha Ukraine Andriy Yusov ayaa eeddaymahaas ku tilmaamay “wax aan jirin”., waxayna arrintan kusoo beegantay iyadoo si weyn looga cabsi qabo in Madaxweyne Putin isticmaalo hubka halista ah, kaas oo si weyn dalalka reer galbeedka ugu abuuray werwer iyo cabsi weyn.

Laxidhiidha: Duqaymo Sababay Qaraxyo Waaweyn Oo Gilgilay Caasimadda Kyiv

Dagaalka ayaa weli ka socda dhulka Ukraine, iyadoo Ruushku duqaymo culus la beegsaday dhawr magaalo oo dalka Ukraine ka mid ah, kuwaas oo ay ku jirto caasimadda Kyiv.

Duqaymaha, ayaa yimi xilli ay warbaahinta reer galbeedku tilmaamayaan in ciidamada Ruushku ay ciidamada Ruushka ay soo waajahday tamatdaro, balse weerarada dhinaca cirka ah iyo madaafiicda duqaymaha ku haya magaalooyin baddan oo Ukraine ah ayaa muujinaya in aannay wararka oo Ruushku ku tilmaamay dacaayado aannay ahayn xaqiiq.

Taageereyaasha caalamiga ah ee Ukraine ayaa wacad ku maray in ay u keeni doonaan difaacyo cusub si ay Ukraine isaga baaciso ciidamada Ruushka, Maraykanka iyo xulufadiisa ayaa sheegay in ay sida ugu dhakhsaha baddan hub culus ugu keenayaan Ukraine, waxayna go’aankaa qaateen kaddib markii koox uu hoggaamiyo Maraykanka oo ilaa 50 waddan ah ay wadahadal ku yeesheen xarunta NATO ee Brussels todobaadkan.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

 araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post