X

Moscow Oo Gantaal Nukliyeer Casriya Oo Xanbaarsan Farriimo Dirtay

Ruushka oo tijaabiyay gantaal nukliyeer casri ah oo xanbaarsan farriimo, 21 April 2022, Moscow, Image Araweelo News

“Gantaalkan waa mid leh awoodda ugu sarraysa, wuxuu ka gudbayaa dhammaan qalabka difaaca gantaallada” Ma jirto meel kale oo laga haysto caalamka“Putin.

Araweelo News Network.

Mascow(ANN)- Ruushka ayaa shaacisay muuqaalka tijaabo uu ku tilmaamay in ay ku dhammaatay guul weyn, kaddib gantaal casri ah oo xabaara Nukliyeerka oo Moscow tijaabisay.

Laxidhiidha: Moscow: Maalinta Vladimir Putin U Asteeyay Guusha Dagaalka Ukraine

Wasaaradda Gaashaandhigga ee Ruushka, ayaa sheegtay in uu gantaalku awood u leeyahay in uu qaado bambooyinka nuclear-ka, kaas oo isaga gudbaya qaaradaha.

Gantaalka cusub ee Moscow tijaabisay xilligan, waxa lagu magacaabaa Sarmat, waana nooca riddada dheer ee isaga kala goosha qaaradaha, iyadoo lagu tilmaamay in miisaankiisu yahay mid aad culus oo xajmigiisu khasaare ba’an iyo burbur geysanayo.

Wasaaradda Gaashaandhiga Ruushka ayaa ku sheegtay war kasoo baxay, kaddib markii ay fulisay tijaabada gantaalka oo laga riday xarun ku taalla dhinaca waqooyi galbeed ee gobolka Arkhangelsk, isagoo sidii loogu talogalay ku dhacay dhanka kale ee Ruushka ee xiga bariga fog, gaar ahaan gacanka Kamchatka.

Laxidhiidha: Waa Kuma Ninka Generalka Hoggaaminaya Duullanka Ukraine Ee Wax Ka Beddelay Dagaalka?

Gantaalka, ayaa argagax ku riday Maraykanka oo hoggaamiya dalalka NATO iyo sidoo kale xullufada MIdawga Yurub, waxaana uu socday masaafo dhan ku dhowaad 6,000 km (3,700 mayl).

Tijaabada Gantaalka cusub ee Ruushka, ayaa loo araak farriin ku socota Maraykanka iyo xullufadiisa NATO iyo weliba dalalka xubnaha ka ah Midawga Yurub oo xilligan dagaalka Ukraine ay kasoo horjeedaan Ruushka, sidaa awgeed Moscow ayaa soo bandhigista tijaabada Gantaalkan u adeegsatay dhoolatus ay ugu quusgoynay, isla markaana farriin cad uga dhigay cid walba oo ay Moscow ku dartay Liiska cadawgeeda.

Laxidhiidha: Magaaladii Wadnaha Ukriane Oo Gacanta U Gashay Ruushka#1Araweelo News Network

Dhinaca kale, Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa sheegay in hubka noocan ah loogu talogalay dadka isku dayaya in ay handadaan Ruushka, kuwaas oo sida uu sheegay in ay fahmaan sida xaaladdu noqon doonto, sidaa awgeed Madaxweyne Putin, wuxuu farriinta hanjabaada ah raaciyay gantaalka, isagoo yidhi, “cadowga Ruushka ay joojiyaan waxa ay wadaan kaddibna ka fikiraan sida ay xaaladdu noqon karto.”

Sidoo kale, wuxuu sheegay Putin in hubka casriga ah ee Ruushku yahay mid awood sare leh, isagoo tilmaamaya gantaalka, ayuu yidhi, “Gantaalkan cusub waa mid leh awoodda ugu sarraysa ee dhanka tignoolojiyadda, wuxuuna awood u leeyahay in uu ka gudbo dhammaan qalabka difaaca gantaallada. Ma jirto meel kale oo laga haysto caalamka, muddo dheerna lama heli doono,” ayuu yidhi Putin.

“Hubkan gaarka noo ah wuxuu dhab ahaantii xoojin karaa awoodda dhinaca dagaalka ee ciidankeenna, waxa uuna xaqiijinayaa in Ruushka laga ilaaliyo khatarta uga imanaysa dhanka dibadda,” ayuu raaciyay hadalkiisa Madaxweyne Putin.

Laxidhiidha: Dhacdooyinka Salka U Ah Dagaalka Ukraine ee sababay xiisadda Ka Alloosan Ee Ruushka Iyo NATO

Dhinaca kale, gantaalka cusub ee Ruushku tijaabiyay ayaa kusoo beegmay xilli dagaalka Ukraine marayo meel xaasaasi ah, iyadoo Maraykanka iyo xulufadiisu hub kusoo daabulayaan Ukraine si ay isaga caabiyaan ciidamadda Ruushka, balse ma muuqato waxyaabo muujinaya in hubka Maraykanka iyo xulufadiisu wax ka beddeleen dagaalka Ukraine, iyadoo Madaxweyne Putin u qorsheeyay dagaalka in lasoo afjaro 9 May oo ah maalinta sida weyn Ruushku u xuso ee duulaankii dagaalkii labaad ee Aduunka markii uu Ruushku jilibka u dhigay Ciidamaddii Naziga ee Jarmalka.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post