X

Moscow: Madaxweyne Vladimir Putin Oo Xukun #Millateri Kusoo Rogay Afarta Gobol Ee Laga Qabsaday Ukraine

Araweelo News Network.

Moscow(ANN)-Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa kusoo rogay sharciga dagaalka ee (Martial law) gobollada ay uu dhowaan aftida ka qaaday oo hore uga tirsanaa Ukraine, kuwaas oo Moscow ay sheegtay inay la wareegtay laba toddobaad ka hor.

Khariirad muujinay Sharciga (Martial law) ee lagu soo rogay gobollada Donetsk, Lugansk, Kherson iyo Zaporizhzhia, Image file Araweelo News Network, 19 Oct, 2022.

Aqalka Kremlin-ka ayaa daabacday wareegto sheegaysa in sharciga dagaalka laga billaabi doono horaanta Khamiista ee gobollada Donetsk, Lugansk, Kherson iyo Zaporizhzhia.

 Afarta gobol ayaa ah kuwo ahmiyad weyn oo istiraatiijiyad dhaqaale iyo mid Millateri leh, balse Madaxweyne Putin ma qeexin tillaabooyinka lagu qaadi doono sharciga dagaalka ee gobollada lagu soo rogay.

Dhinaca kale,  madaxa gobolka Kherson ee Koonfurta Ukraine ee uu Ruushka ka taliyo ayaa sheegay in saraakiisha maamulka Kremlin-ka ee taageersan ay dadka ka daabulayaan caasimadda gobolka ilaa daanta bidix ee Webiga Dnipro,  ka hor weerarka la filayo in ay qaadaan ciidamada Ukraine.

“Maamulka oo dhan ayaa durba guuraya maanta,” madaxa gobolka ee lagu dhisay Moscow, Vladimir Saldo, ayaa ka sheegay sidaa telefishinka qaranka Ruushka.

Vladimir Saldo, ayaa mar sii horeysay shaaca ka qaaday in dadka rayidka ah laga soo daabuli doono Afar meelood oo u dhow Webiga Dnipro, isaga oo sabab uga dhigay khatarta ah in duqaymaha Ukraine ay waxyeeleeyaan biyo xidheenka u dhow.

Laxidhiidha: Ukraine: Ruushka Oo Diyaaraddaha Iran Ku Garaacay Caasimadda

Ilaa 50,000 ilaa 60,000 oo qof ayaa lagu wadaa in laga raro gobolka Kherson ee uu Ruushku la wareegay, kaas oo dhaca dhanka Koonfurta Ukarine, sida ay sheegtay wakaalada wararka ee Ruushka ee TASS.

Laxidhiidha: Ukraine Oo Duqaymahu Sida Roobka Ugu Hoobanayaan Iyo Ruushka Oo Dhoolatus Nukliyeer Samaynaya

Sharciga (Martial law) oo ah mid cusub ee lagu soo rogay gobollada Donetsk, Lugansk, Kherson iyo Zaporizhzhia, ayaa ah mid inta baddan lagu soo rogo aag ay maamulaan ciidamada qaranka, marka dal lagu soo rogo sharcigan waxa meesha ka baxa dhammaan arrimaha maamulka mediniga ha, iyadoo inta baddan la adeegsado shrcigan xilliyada dagaalka, ama loo adeegsado dal la qabsaday oo laga adkaaday, ama isugu gudihiisa xaalad dagaal ka jirto, ayaa loo adeegsadaa Sharcigaa oo ay shaqeeyaan awaamiirta Millateriga oo keliya.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

 araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post