X

Moscow: Lavrov Oo Sheegay In Saraakiil Reer Galbeed Ah Ay Ku Jiraan Warshadda Mariupol

Wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka, Sergey Lavrov,, Image file Araweelo News Network Oct 2021

“Waan Xaqiijin Doonnaa Saraakiisha reer galbeedka iyo calooshood u shaqaystayaasha” Sergey Lavrov wasiirka arrimaha dibadda Ruushka.

“Mariupol. Xaaladdu waxay noqotay calaamad muujinaysa masiibo bini’aadanimo oo dhab ah,” Ra’iisal wasaare ku xigeenka Ukraine, Iryna Vereshchuk.

Araweelo News Network.

Mascow(ANN)-Wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka, Sergey Lavrov, ayaa ka digay hubka ay dalalka reer galbeedku ku caawinayaan maamulka Ukraine, isagoo dhinaca kalena sheegay in Moscow rumaysan tahay in dadka ku jira warshadda Birta ee Azovstal ay ku jiraan saraakiil reer galbeed ah iyo calooshood u shaqaystayaal lagu qarinayo halkaa.

Warshada Birta ee Azovsta oo ku taal magaaladda Mariupol ee dekedda ah, Image file Araweelo News Network, 18 April 2022.

Laxidhiidha: Adesa: Ruusha Oo Burburiyay Marrinka Hubka Iyo Saannadda Millateri Ee Ukraine

Sergey Lavrov ayaa sida ku sheegay warraysi uu siiyay Telefishinka Talyaaniga Zona Bianca Axaddii, isagoo ydihi,”Mas’uuliyiinta Kyiv waxay isku dayayaan si kasta oo ay u gaadhaan ka bixitaanka xagjiriinta Ukraine ee ku hadhay Azovstal, maadaama ay jiri karaan saraakiil reer galbeed ah iyo calooshood u shaqaystayaal.” “

Laxidhiidha: Ruushka Oo Burburiyay Warshada Gantaalaha Artem Ee Ukraine

Ciidamadda Ruushka, ayaa la wareegay magaaladda dekedda ah ee Mariupol badhatmihii April, balse dad lagu qiyaasay 2,500 oo sida hore loo sheegay u baddan ciiidanka Ukraine, ayaa galay warshadda Birta, iyadoo ay weheliyaan dad shacab ah, kuwaas oo diiday in ay is dhiibaan, isla markaana Madaxweyne Putin ayaa ku amaray ciidankiisa in aannay awood milllateri u adeegsan oo aannay xoog ku gelin warshadda, laakiin taas bedelkeeda wuxuu ku amaray in aannay oggolaan in duqsi ka baxo magaaladda Mariupol.

Laxidhiidha: Duqaymaha Kyiv Oo Haleelay Duleedka Goob Xoghayaha Qaramada Midoobay Warbaahinta Kula Hadlayay

Qaar ka mid ah dadka ku go’doonsan warshadda tan iyo 18 April, ayaa laga saaray halkaa kaddib xoghayaha guud ee qaramada midoobay Antonio Guterres oo booqday Kyiv iyo Mocsow wadahadal la yeeshay labada dhinac, isagoo sheegay inuu Madaxweyne Putin ku qanciyay in uu aqbalo in dadkaa laga saaro goobta ay ku jiraan si nabad ah. 

Hase yeeshee Sergey Lavrov, wuxuu si cad u sheegay sida Moscow u rumaysantahay in ay ku jiraan halkaa saraakiil reer galbeed ah oo gabood ka dhiganaya, wallow aannay jirin caddayn sugan oo muujinaya in muwaadiniinta reer galbeedku ay ka mid yihiin dagaalyahannada Azovstal.

Laxidhiidha: Putin Oo Ku Hanjabay In Hubka Casriga Ee Aannay Cid Kale Haysan Aannay Ku Faannayn Ee Isticmaalayaan

“Xaaladda iska horimaadka ka dhacay warshadda Azovstal ee Mariupol iyo madax-adayg, xitaa rabitaanka miyir-qabka ah ee Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy, kooxdiisa iyo taageerayaashiisa reer galbeedka si ay u gaadhaan ka bixitaanka dadkan oo dhan oo ay u diraan dhulka Ukraine.”ayuu yidhi, isagoo sharaxaya sababta ay arrintan usii murugtay.

   “Waan sharaxay xaqiiqda ah in ay jiraan jilayaal badan oo xaqiijin doona joogitaanka calooshood u shaqeystayaasha iyo, laga yaabee, saraakiisha firfircoon ee ciidamada reer galbeedka ee dhinaca xagjirka Ukraine, “ayuu yidhi Lavrov, isagoo waraysigaa kaga hadlay arrimo baddan oo la xidhiidha dagaalka Ukraine.

Laxidhiidha:Ruushka Oo Poland Iyo Bulgaria Ka Joojiyay Gaasta

Dhinaca kale, Ra’iisal wasaare ku xigeenka Ukraine, Iryna Vereshchuk, ayaa sheegtay in arrintu tahay masiibo bini’aadanimo, “boqolaal rayid ah ayaa weli ku xayiran Azovstal iyaga iyo difaacayaasha Mariupol. Xaaladdu waxay noqotay calaamad muujinaysa masiibo bini’aadanimo oo dhab ah, sababtoo ah dadku waxay ka dhammaanayaan biyo, cunto iyo daawo la’aan” ayay tidhi, Iryna Vereshchuk.

Laxidhiidha: Mariupol Magaaladii Wadnaha Ukriane Oo Gacanta U Gashay Ruushka

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post