X

Moscow: Hoggaamiye Jarmal Oo Booqasho Qarsoodi Ah Ku Tegey Xilli Labada Dal Fiintu Dhexmiranay

Madaxweyne Vladimir Putin iyo siyaasiga Jarmalka Gerhard Schroder, oo wada qoslaya xilligii uu ku suganaa Moscow,3 August 2022, Image Araweelo News Network.

Muxuuse Kala Kulmay Vladimir Putin?

Araweelo News Network.

Berlin (ANN)-Hogaamiyihii hore ee Jarmalka Gerhard Schroder ayaa si qarsoodi ah u tegey Moscow, isagoo kulan la yeeshay Madaxweynaha Ruushka oo ay saaxiibo dhow yihiin, isla markaana ka mid ah siyaasiyiin fara ku tiris ah oo dalka Ruushka laga ixitiraamo.

Madaxweyne Vladimir Putin iyo siyaasiga Jarmalka Gerhard Schroder, oo wada qoslaya xilligii uu ku suganaa Moscow,3 August 2022, Image Araweelo News Network.

Gerhard, ayaa ka hadlay waxyabaaha ay ka wadahadleen saaxiibkii Putin, wuxuuna ku sheegay wareysi ay siisay warbaahinta Jarmalka oo Arbacadii in uu ku sugan yahay magaalada Moscow si uu wadahadal ula yeesho madaxweyne Vladimir Putin todobaadkii hore.

“Bushaarada wanaagsan ayaa ah in Kremlin-ka uu doonayo in xalka laga wadahadlo,” Schroder ayaa sidaa ku yidhi wareysiga uu bixiyay, iyadoo Aqalka Kremlin-ka sidoo kale markii dambe xaqiijisay booqashada Gerhad Schroder ee Moscow.

Schröder ayaa u sheegay majaladda Stern iyo idaacadaha RTL/nTV in uu aaminsan yahay in heshiiskii dhawaan ay gadhwadeenka ka ahaayeen Qaramada Midoobay iyo Turkiga ee lagu ogolaaday dhoofinta Hadhuudhka Ukraine la mariyo Badda Madow ay noqon karto tallaabadii ugu horeysay ee wadahadalo xabad joojin ah, balse labada dhinac midkoodna ma sheegin arrintaa.

” Guusha ugu horraysa waa heshiiska hadhuudhka, “laga yaabee inaad si tallaabo tallaabo ah taas ugu ballaadhin karto xabbad joojin,” ayuu yidhi.

Siyaasigan oo ahaa hoggaamiye magac weyn ku leh dalka Jarmalka, ayaa ka tirsanaa xisbiga Bulshada Dimuqraadiga ah (Social Democratic Party of Germany), sidoo kale, wuxuu soo qabtay xilka ra’iisal wasaaraha Jarmalka intii u dhaxaysay 1998 ilaa 2005, waxa uu dib u helay sumcad casri ah isaga oo adeegsanaya mansabyadiisa muranka badan dhaliyay ee guddiyada shirkaddaha tamarta ee dawladda Ruushku leedahay.

Madaxweyne Vladimir Putin iyo siyaasiga Jarmalka Gerhard Schroder, oo laabta is geliyay xilligii uu ku suganaa Moscow,3 August 2022, Image Araweelo News Network.

Gerhard Schroder, ayaa madax u ah guddida shirkadda dhuumaha ee Nord Stream, iyadoo Ruushku hakiyay dhowaan dhuunta Nord Stream 1, taas oo gaasta u gudbisa dalka Jarmalka, waxaana la filayaa cabsidii dalka Jarmalka ee qorshaha Ruushku ku doonayo inuu joojiyo shidaalka Yurub oo xaaladda ugu werwerka baddan ahayd inuu wax ka taro .

Schroder wuxuu u arkaa qodobada aasaasiga ah ee dagaalka dhexeeya Ukraine iyo Ruushka oo uu ku tilmaamay iskahorimaad inay yihiin kuwo la xallin karo, wuxuuna sidaa ku sheegay wareysiga Majaladda Stern iyo RTL/ntv. Ma shaqayn doonto wadahadal la’aan labada dhinac, ayuu yidhi, Kaddib kulan kale oo uu la yeeshay madaxa Kremlin-ka Putin, waxa uu hubaa in Moscow ay doonayso in ay wadahadlaan.

Muuqaalo warbaahintu soo tebisay, ayaa laga rakayay Schroder oo si weyn loogu soo dhowaynayo Moscow, isagoo Madaxweyne Putin si kalgacal ka muuqdo u qaabilay oo salaam laabta lay geliyay, iyadoo sidoo kale muuqaalada laga arkayay Madaxweyne Vladimir Putin oo aan lagu aqoon qosol iyo dhoola-cadayn oo markii ay kulmeen siyaasiga Jarmalka ah ee Gerhand ay wada qoslayaan, taas oo kulankooda u muujisay mid farxad iyo xiisa gaar ah lahaa.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post